Maraykanka oo Madaxweynaha Soomaaliya gaadhsiiyey Farriin Itoobbiya dabada ka riixayso

Muqdisho (aftahannews):- Maraykanka, ayaa dowladda Soomaaliya kala hadlay inay dejiso xiisadda siyaasadeed ee gobolka, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Badda ee Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen January 2024-ka.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in uu hoos u dhigo kicinta xiisadda gobolka.

Wada xidhiidh khadka taleefanka ah oo dhexmaray Antony J. Blinken iyo Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa kaga wada hadaleen hawlaha gobolka, sida Maraykanku sheegay.

“Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony J. Blinken, ayaa la hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanay ka wada-hadleen danaha amni ee Geeska Afrika, oo ay ka mid tahay in la yareeyo xiisadaha gobolka.” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay Afhayeenka Aqalka Cad, Mathew Miller.

Xogayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay in uu awoodda saaro la-dagaallanka argagaxisada, sida war-saxafaadeedkaas lagu sheegay.

“In diirada la saaro ujeedooyinka la-dagaallanka argigixisada, lana soo afjaro qorshayaasha lagu doonayo in lagu beddelo howlgalka Midowga Afrika ee ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ee (ATMIS). Waxa ay sidoo kale ka wadahadleen doorka muhiimka ah ee Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.” ayuu yidhi Mathew Miller.

Hadalkan, ayaa ku soo beegmaya muddo xiisad diblomaasiyadeed ay u dhaxaysay Soomaaliya iyo Itoobbiya, taas oo ka dhalatay heshiiskii is afagarad ee Somaliland iyo Itoobbiya kala saxiixdeen 1dii January 2024-ka.

Xiisaddaas, ayaa gaadhay heer Soomaaliya, sida uu baahiyey La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Jimcihii sheegay in dhammaadka bisha Diiseembar ay gabi ahaanba Ciidammada Itoobiya ka bixi doonaan dalka, sababo la xidhiidha khilaafka labada waddan u dhaxeeya.

Farriinta Maraykanka, ayaana loo arkaa mid ay Itoobiya dabada ka riixayso oo daba socota warka ka bixitaanka ciidammada Itoobbiya ee La-taliyaha Amniga Qaranka Sooomaaliya shaaciyey, sida uu qabo Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawed.

“Laba arrimood dartood ayaa ku keenay Maraykanka, midi waa heshiiskii Itoobbiya iyo Somaliland oo dawladda diidday in khilaafkas laga wada hadlo, maadaama khilaafyada lagu xilliyo in la wada hadlo oo sidaan u arko diblomaasiyad xumo ah iyo ta hadda dhalisay oo ah midda ay Soomaaliya tidhi waa in ittoobbya ciidamadeedu naga baxaan.” sidaa ayuu  Axmed Ciise Cawed, waxaanu ku dooday in “Maraykanku ay rabaaan in ay xiisadddaas la qaboojiyo.

Dhammaadka 2024 oo qorshuhu ahaa in la soo gabagabeeyo hawlgalka kumeel gaarka ah ee ATMIS, ayaa waxa socda qorshe kale oo ciidamadaasi ku sii joogayaan sannad dheeraada, inkastoo magacooda iyo waajibaadkoodaba wax iska beddeli doonaan.

Haseyeeshee, Ciidammada Itoobiya qayb kama sii ahaan doonaan hawlgalka cusub, sida uu sheegay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya Xuseen Macalin.

Ciidammada Itoobiya isugu jira kuwo hadda ka tirsan ATMIS oo Midawga Afrika hoos taga iyo kuwo aan ka tirsanayn oo ku jooga heshiis kaas ka baxsan oo si toos ah u hoos taga wasaaradda gaashaandhigga federaalka Itoobiya.