Ciidanka Soomaaliya oo Sheegay Xilliga ay Soo Afjarayaan Dagaalka Al-shabaab

Muqdisho (aftahannews):- Taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maadeey Sheekh Nuur, ayaa sheegay in bishaan Juun ay soo afjari doonaan howlgallada la-dagaallanka kooxda Al-shabaab ee ka socda gobolada dalka.

Jeneraal Maadeey Sheekh Nuur, ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka xooggu ay guulo la taaban karo kasoo hoyeen dagaalladii ay la galeen kooxda. Waxaanu madal Raysal-wasaaraha iyo Masuuliyiin kale ku sugan yihiin ka ballanqaaday inay waqti kooban ku soo gebageybaynayaan dagaalka Al-shabaab.

Taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka, ayaa tlmaamay in dhamaan ciidankii loogu talogalay soo afjarida dagaalka Al-shabaab ay ku sugan yihiin furimaha hore ee dagaalka, isla markaana ay sugayaan amarkii ay xabbadda ku bilaabi lahayeen.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed maanta waxay sugayaan kaliya in la dhaho xabadda bilaaba, xiligaan aan idinla hadlaayo ciidanka qeyb kasta meeshii loogu talagalay ayey ku sugan tahay, guusha waxay haya Allaah, laakiin anaga iyo Shabaab bishaan Juun islama dhaafi doono insha allah.” ayuu yidhi Taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka Maadeey Sheekh Nuur.

Hadalkaan ayuu Jeneraal Maadeey ka sheegay kulan shalay uu ka daah furay magaalada Muqdisho Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre kaasoo ahaa barnaamij loogu magac daray; “Hooyo u Hiilli Qarankaaga” oo ah mid lagu muujinayo kaalinta muhiimka ah ee Hooyooyinka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga iyo xasilinta dalka.