Xisaabta Xisbiga KULMIYE halkay ka xidhmi weyday…?!

Sidaa ka wada war qabtaan ama intiina badani la socotaan waxa dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay iyo inta sanadkan aynu ku jirnaba marba soo baxayay khilaaf hadheeyay xisbi xaakimka kulmiye waxaana khilaafkaasi in badan ka soo muuqday warbaahinta, hadaba akhriste qalinka umaan qaadan inaan u gar qaado ama aan idhaahdo cidaas ayaa qaldan sidoo kale qalinka umaa qaadan inaan lafa guro qodobada la isku hayo balse waxaan qalinka u qaatay inaan iftiimiyo waxa aniga iiga baxay ee la isku mari waayay ama hadaan si kale u idhaahdo halka khilaafkan u dambeeyay ee gaadhay meeshii ugu saraysay inaan hallka ay ka taagan tahay ama ay xisaabtu ka xidhmi wayday.

Balse akhriste intaanan tilmaamin ama aanan u daadagin dulucda maqaalkan kooban waxaan jeclaystay in aad ila wadaagtaan waxyaabihii ama hadaladii ay dhinacyada is qardoofay isu marinayeen war baahinta inaan idiin soo gudbiye

1. beentii qarniga waxay ahayd weedh aad iyo aad u soo jiidatay indhaha bulshada waayo waxay tilmaamaysaa been aad iyo aad u weyn oo la isu sheegay micnaha kale ee ay bixinaysaana waxay tahay marka musuuliyiintii iyo siyaasiyiintii damacu hayay ay been isu sheegayaa maxaa laga filayaa marka ay bulshada la hadlayaana,,

Waxa erayadaas iyo  kuwo kale oo aanan hada xasuusani ay ka mid ahaayeen erayadii ay yidhaahdeen gudoomiyaha Xisbiga mundane Muuse Biixi Cabdi iyo garabkiisii shirkii jaraa,id ee ay qabteen

2. oday ayaa islaantiisii la arkay isagoo suuqa eryanaya markii la weydiiyayna wuxuu yidhi reeruhu way is dilaane taydu dibadey iila soo baxday.

3. inantii safarka raacday ee aabbeheed uga cabatay dadkii safarka kula jirayna wuxuu ku yidhi aabbo ma qof kaliya ayaad is qabateen mise dadkii safarka oo dhan waxaanay ku tidhi waxaanu is qabanay dadkii safarka oo dhan wuxuuna ugu jawaabay hadaa aabbo adigaa lagu sitaa

Sheekooyinkaa sarbeebta ah ee murtida shaadhka loo galiyay aad ka dheehan kartaa waxay ahaayeen jawaabihii uu madaxweyne ku xigeenku kaga jawaabay su,aalo ay warbaahintu ka waydiisay khilaafka waxaanad arkaysaa sida ay u kala fogaadeen iyo heerka uu gaadhay in khilaafku.

Hadaan u soo daadago dulucda maqaalka oo aan intaa kaga imaado weedhihii hawada laysku marinayay intaan ka xasuusto.

Muxuu Khillafkan ugu dambeeyay Daaran yahay????

Sida aad la socotaan akhriste khilaafka kulmiye waa mid oo jiitamayay intii aan la qaban shir weynaha xisbiga oo sababay in uu dhawr jeer shirweynaha xisbigu dib u dhacay waxase jirtay in markii dambe la isla fadhiistay oo madaxweynuhu gudi u saaray khilaafka xal ka gaadha. Waxaana gudidii soo dhigeen qodobo kuwaas oo saldhig u ahaa in heshiis la kala saxeexdo.

Qodobada lagu heshiiyay waxa jirtay in war baahinta loo soo ban dhigay  iyadoo ay jireen qodobo heshiiska ku jiray oo la kala saxeexday balse aan warbaahinta iyo bulshada toono loo soo ban dhigin oo lagu heshiis ahaa inaan loo ban dhigin.

Iyadoo ay sidaa tahay hadaan soo qaato akhriste qodabadii heshiiska intii ugu mihiimsanayd ama inaga inaga khusaysa si aynaan wakhti badan ugu lumin waxaan xusi karaa sadexda qodob ee saldhiga ama buda u ahaa heshiiska kuwaas oo laba ka mid ah bulshadu hore u haysay balse qodobka ugu mihiimsanaa ee la qariyay isla  markaana ah halka xisaabtu ka xidhmi wayday na aan ku soo qadanayo

QODOBA HESHIISKA:

1.In aan Muuse biixi lagula tartamin gudoomiye nimada xisbiga oo aan samaale iyo cid kale toona kula tartamin.

2.in samaale iyo todoba xubnood oo kale lagu daro golaha fulinta oo markii hore tiradoodu ahayd 35 xubnood isla markaana tirada golaha fulinta ee cusubi ay noqdaan 35 hore oo loo geeyo samaale iyo todoba xubnood iyo madaxweynaha oo ah xubin fulinta isla markaana odayga xisbiga ah waxaanay tiradu sidaas ku noqonaysaa 44 xubnood  ( 35+7+1+1 = 44 ).

3. In aan madaxweyne siilaanyo lagula tartamin doorashada soo socota xisbiga gudihiisa oo uu ahaado musharaxa xisbiga oo aan muuse iyo cid kale toona iskula sharixin  si uu u ahaado musharaxa xisbiga kulmiye ee doorashada lagu wado inay dhacdo 2015 .

Akhriste markii intaa lagu heshiiyay iyo qodoba kaleba waxa damay ama bakhtiyay xiisadii ka dhex taagnayd xubnaha ugu tunka weyn xisbiga kulmiye waxaana qabsoomay shir weynihii mudaba dib u dhacayay iyadoo in waliba dhankiisa wixii uuu tabanayay hoosta ku haysto xaalkuna taagan yahay rag I gurayee.

Xaajadu markii halkaa ay maraysay ee shir weynihii la qabtay waxa sida aad ka war haysaan ku dhawaaqay inuu sharaxan yahay Muuse Biixi oo ah gudoomiyaha xisbiga isla markaana heshiiska lagu cadeeyay inaan cidi kula tartamin isna saxeexay inaanu madaxweynaha kula tartamin xisbiga gudiihsa waana kaa qodobka soo kiciyay qalalaasihii ka alloosnaa kulmiye ee mar kale dibada keenay isagoo waliba intii hore khilaafku ka balaadhay waxaanay xaajadu taagan tahay halkii ugu saraysay iyadoo la saadaalin karo in siday doontaba ha ku dhamaatee ay iska dhamaan doonto oo xalku iman doono waxaanay noqon doontaa in ama hogaan cusub la doorto ama hogaanka jira la yidhaahdo u hogaansan heshiiskaad gashay adigoo maan kaaga qabo oo gudoonkaad qaadtay ee aad ku qanacday xejiso  isku soo wada duuboo xaajada xisbiga kulmiye waxay maraysaa meeshii ay soomaalidu hore uga soo maahmaahday ee ay tidhi.

(Hiirtaayo Xusuuste Wallaal ma Xidhiiso) waxaan taas u leeyahay labada awoodood eek u hirdamaya xisbiga gudihiisu waxa uu midba midka kale ka tirsanayaa abaal uu leeyahay waan u galay sii faaqidi maayee waxaan ku soo qaadan doonaa maqaal dambe oo aan kaga faaloonayo abaalada ay kala tirsanayaan iyo ka abaalka ugu weyn loo galay.

Qalinkii: Liban Ismail Abdilahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.