Sooyaalka Dildillaac -a KULMIYE: Dib u milicso shirkiisii Golaha dhexe 2008 Burco!

Shirkii golaha dhexe xisbiga kulmiye ee ka qabsoomay magaalada Burco 24/08/08  ayaa ahaa mid muujiyey dhaqankii lagu xaman jiray Siilaanyo ee ahaa in uu siyaasiyiinta ama mujaahidiinta rug cadaaga ah uu ka doorto siyaasiyiina socodbaradka ah iyadoo uu xiligaa cidlo kaga dhaqaaqay muj: C/Rahman Aw Cali Faarax oo aha musharaxii ay ku wada hadheen 80 ka cod iyo ninka imika ah wasiirka gaashaandhiga Ahxmed Xaaji Cali Cadami oo labadooduba u sharaxnaayeen m/xigeenka waxaana isla shirkii dibada uga baxay in ku dhaw kala badh xubnihii golaha dhexe oo u badnaa mujaahidiintii ay mudada dheer soo wada shaqaynayeen siilaanyo oo ay kala hogaaminayeen inta mujaahidiina ah mudane c/rahman aw cali faarax kana mid ahaayeen muj: DHegaweyne , muj Qulunbe Cali Guray iyo garabkale oo u badnaa beelaha Hartiga soomaaliland oo uu hogaaminayey Cadami.

Iyadoo ay shirka ka maqanyihiin laba musharax oo m/xigeen u tartamaya iyo taageerayaashoodii ayaan hadana loo joojin waxaa na la doortay Mudane Siilaanyo iyo Mudane Saylici. garabka maqanina waxay ku doodeen in aanay doorashadaasi sharci ahayn oo ay tahay in dib loogu noqdo doorashada.

Xaaladu markay halkaa maraysay oo golihii dhexe laba ukala jabay kulmiyena ku dhowyahay in uu kala daato ayaa siilaanyo dhaqdhaqaajiyey odayaal si ay isugu keenaan labada garab ee kulmiye odayaashaas oo ay ka mid ahaayeen . Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye)   Guddoomiye .Maxamuud Ibraahin Axmed (Sandheere) Xoghaye. Maxamed Jaamac Cabdi  iyo Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo rag kale. Labadii garabna ay kalsoonidii siiyeen laakiin odayaashii waxay kala xadeen garabadii shirka ka baxay waxaana ay la shuuqeen Cadami una balanqaadeen in marka uu siilaanyo kursiga fadhiisto lasiin doono RAYSALWASSARE awood leh isna waa uu ku qancay halka garabkii kale aanay sooba noqon ganafkana ku dhufeen go,aankii odayaasha bal akhriste u fiirso go,aanadii ay soo saareen odayaashii loo saaray xalinta khilaafaadka:
A) In mustaqbalka marka xisbigu talada ku guulaysto uu wax ka bedelo qaab dhismeedka dawladeed ee hadda Distoorku tilmaamayo, isla markaana la abuuro jagada Raysal-wasaare awood leh, si talada dalka looga wada muuqdo, taasoo wax weyn ka taraysa wadajirka iyo midnimada dad ahaaneed iyo dhul ahaaneed ee dalka. Diyaarinta qaabka uu isbedelku yeelanayo iyo fulinta xilkaas waxa u xilsaaran Guddoomiyaha xisbiga iyo Shirguddoonka Golaha Dhexe, waxaana la gelinayaa Barnaamijka xisbiga.
B) In labada Murashax ee aan nasiibka u yeelan in loo doorto jagada Musharaxiinta Madaxweyne-kuxigeenka oo ah odayaal aad ugu culus xisbiga in meeqaam sare laga siiyo hogaanka iyo talada xisbiga.
Wakhtigan waxa la joogaa xili wax badan laga bartay hab dhaqanka madaxweyne siilaanyo siyaasiyiintuna ku xisabtamayaan wixii ay bartay taariikhdu ayaanay suurto gal ahayn in madaxweynu qunyar uu soo dhaafo damaca soo jiitamaayey ee ruugcadaaga ku jira kulmiye sida Muuse Bixi iyo Maxamed Kaahir oo raba in ay isaga dambeeyaan jagada madaxweynaha 10 sanno ee soo socda.
Dhinaca kale gudiga uu magacaabay gudoomiyaha golaha guurtida oo la tuhunsanyahay in uu la safanyahay madaxweynaha ayaan la filaynin in ay wax badan ka taraan madaama oo lafilaayo in ay sidii kuwii hore u xagliyaan madaxweyne siilaanyo.
Isweydiintu waxay  sidee ayuu madaxweyne siilaaanyo ugu dhiirayaa in uu cod weydiisto guud ahaan shacabka soomaaliland hadii uu ku dhiiranwaayey in uu Muuse Biixi kula tartamo golaha dhexe ee kulmiye?

Qalinkii :Abusakaria Yahye Ismaciil Xuseen.

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.