Wasiir Waran-cadde oo sheegay inuu Ciddii ka hor-timaadda Madaxtooyada Cagaf marinayo

“Madaxweynaha cidina dhulka wax dhig ma tidhaahdo oo isagaa Madaxweynihiiyee….”

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa shaaca ka qaaday inuu Cagaf marinayo ciddii ka hor-timaadda Madaxtooyada, maaddaama oo uu yahay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ee ilaalinta dalka Masuuliyaddu sida gaarka ah uga saraaran tahay.

Wasiir Waran-cadde oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa ka warramay wadahadal dhex-maray Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddiga dhex-dhexaadinta Khilaafka KULMIYE ee Golaha Guurtidu magacaabay shalay.

Wasiir Waran-cadde oo markii uu hadalkiisa dhammaystay Weriyeyaashii ka qaybgalay shirkiisa jaraa’id ay Su’aalo weydiiyeen, ayaa wax laga weydiiyey cabsi la sheegay inay Madaxtooyadu ka qabto arrimaha taagan marka loo eego inaanu siday wax u rabto aanu u fulin doonin, sidaa awgeedna la hadal-hayo in la beddelayo ama la eryayo iyo sida uu ula socdo, ayaa sheegay inuu ciddii Madaxtooyada ka hortimaadda uu Cagaf marin doono cidday doontaba ha ahaatee.

Haddaba halkan hoose ka daawo Shirka Jaraa’id ee uu qabtay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, Nuxurka Su’aalaha la weydiiyey iyo Jawaabaha uu ka bixiyey oo sidan u dhacay.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.