Kulan lagu gorfaynayey horumarinta Degmooyinka Saaxil oo dhex-maray Maamulka Gobolka iyo Degmooyinka

Berbera(Aftahannews):- Badhsaabka Gobolka Saxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa manta kulan la yeeshay dhammaan Masuuliyiinta degmooyinka kala duwan ee gobolka Saaxil, kulaankaas oo uu ku weheliyey Guddoomiye Ku-xigeenkiisa Khadar Cali Cilmi.

DSC00075

DSC00093 DSC00079-1 DSC00079 Badhasaabka gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar

Kulankan oo lagu lafa-gurayay waxyaabihiii u qabsoomay degmooyinka sannadkii 2013 iyo baahiyaha aasaasiga ee ka maqan degmo kasta sidii xal loogu heli lahaa, waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiinta toddoba degmo ay ka mid yihin:-  Xagal, Mandheera, Laas-ciidle, Goda-wayn, Sheekh iyo Bullo-xaar, Laa-ciidle.

Badhsaabka goboolka saaxil kulankaas oo ay ku waheelinayeen Godoomiyen ku xigeenka goboolka saaxil khadar cai cilmi faarax xoghayaha gobolka saaxil cabdi ibraahin ogle cilmi Gudoomiye kuxigeenka golaha deegaanka yaquub xuseen iyo dhamaan maamulka heer gobol ila heer degmo

Kulankaas ayaa lagu lafaguray bahiyaha kajira degmooyika hoos yimaada gobolka saaxil iyado lagu kuur galayay hawlaha amniga biyaha caafimaadka waxbarashada. Haddaba, kulankan ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiinta kale ah Guddoomiyha Degmada Xagal Yuusuf Axmed Maxamed, Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Xagal C/raxmaan Muuse Ciise, Xoghayaha Degmada Xagal maxamed cabdi haaruun

Gudoomiyaha degmada mandheera yaasiin dhamac gudoomiye ku Xigeenka Degmada Mandheera Aar Qaadi Jaamac Xoghayaha Degmada Mandheera C/raxmaan Muuse Cilmi, Xoghayah Degmada Laas ciidle C/raxmaan Yuusuf Xasan, Gudoomiyha Degmada Goda Wayn C/laahi Cabdi Cali Gudoomiye ku xigeenka Goda Wayn Cabdi Geedi Xoghayha Degmada Goda Wayn Deeq Cabdi Warsame.

Xoghayha Degmada Sheekh Calii Dheere Gudoomiyaha Degmada Laasa dacawo Muuse Yaasiin Axmed Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Laaso Dacawo Maxamed Ismaaciil Jaamac dhamaan masuuliyiinta ka kla soctay degmooyinkaas ayaa halkaas laga dhagaystay warbixno aya ka ka sideen deegaanayday kaa kala yimaadeen  iyagoo ku dheeraaday baayiha ka jira oo sheegay inay dhamaantood ay ku yar yihiin ciidanka policeka oo xaga abniga wax wayn ka tari doona

Gudoomiyaha Degmada Bula Xaar Maxamuud Qawdhan Ayax Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Bulaxaar Maxamed Xasan Muuse. Dhamaan masuuliyiinta degmooginka  warbixintoodi dhameeyeen  ayaa waxa hadalka ku soo wareejiyay Masuuliyiinta heer gobal ilaa heer degmo .

Badhasaabka gobalka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa waxa uu ka war-bixiyay sidii looga wada shaqayn lahaa baahiyaha aasaasigaa waxaana hadalkiisi ka mid ahaa sida tan  dhamaan maamulka degmooyinka waxaan maanta isugu yeedhnay  inaan warbixin dhaba ka helno masuuliyiinta degmooyinka  sidaass daraadeed  waxa aan isagu yeedhnay inaan xog dhaba ka ogaano ee degmo kasta ka jirta.

Badhasaabka gobalka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa faray masuuliyiinta degmooyinka inay degmo walba dakhliga ay soo saarto ugu qiimayn doono kabka ay qaataan degmooyinku  badhasaabka gobalka saaxil waxa kale oo uu shirka ka cilaamiyay inuu aqoon korodhsi 4 cisho socondoona inay u furi doonaan xoghayayaasha degmooyinka sidii ay aqoontii ay lahaayeen ugu caawinlahayd cashuuraadka ku laga soo xareeyo degmooinka badhasaabku isgoo hadalkiisii sii wata ayaa waxa faray xoghayayaasha degmooyinka inay soo qoraan shaqaalaha ka shaqeeya degmo kastaa ee uu xoghayuhu uga masuulka yahay kuna soo xaqiijiyaan shaqaalaha gareedhka uu yahay si ayn u ogaano qof kasoo ka shaqeeya degmo kasta sidaana waxa hadalkiisi ay kamid ahay badhasaabka gobalka saaxil hadaba shirkaas oo maanta ka qabsoomay xafiiska Badhasaabka Gobalka Saaxil. Waa Markii ugu horaysay Ee Badhasaab gobolka Saaxil Soo Maraa u Qabtay

Weriyaha Aftahannews ee gobolka Saaxil

Maxamed Cali Axmed                              

Aftahannews.com

Berbera/Somaliland.