Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee Xisbiga KULMIYE oo Xabsiga loo taxaabay

Berbera(Aftahannews):- Ciidammada ammaanka ee magaalada Berbera, ayaa maanta Xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee gobolka Saaxil Yuusuf Axmed Maxamed (Halac-Dhegoole) oo ku hawlanaa Munaasibad lagu taageeri lahaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo Boolisku ka hor-istaagay.

Munaasibaddaas ayaa sidaas ku baaqatay, hase-yeeshee, Guddoomiyaha ayaa markii dambe la sii daayey, ka dib markii Badhasaabka gobolku wadahadal la yeeshay. Isla markaana, sida la sheegay uu ka codsaday inay Xafladdaas dib u dhigaan oo ay berri qabsadaan.

Halkan hoose ee AFTAHANNEWS AND RADIO ka dhegayso Codka Guddoomiyaha gobolka Saaxil ee Xisbiga KULMIYE oo arrimahaas ka hadlaya Waraysi ay Shabakadda Berberanews la yeelatay caawa isaga oo ku sugan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Weriyaha  Aftahannews ee gobolka Saaxil

Maxamed Cali Axmed

Aftahannews

Berbera/Somaliland.