Qarax Gariirkiisu dadka Hurdada ka kiciyey oo ka dhacay Magaalada Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Qarax aan illaa hadda la garan karin waxa sababay iyo sida uu u dhacay toona, ayaa dhawaaqiisa laga maqlay magaalada Hargeysa caawa abbaaro 12:00-kii iyo daqiiqado, kaasoo qaybaha kala duwan ee magaalada laga maqlayey Gariirkiisa.

bth_Breaking-News

Qaraxan oo intii hore lagu dawakhay Goobta uu ka dhacay, isla markaana dayaankiisu dad badan Hurdada ka kiciyey, ayaa ka dhacay Laag lagu magacaabo Xaar-wada, taasoo ku taalla Xaafadda Hindiya Line-ka loo yaqaanno ee badhtamaha magaalada Hargeysa, gaar ahaan agagaarka Fooqa ilma-Seeraar, Laagtaas oo ka bilaabanta meel fooqa koonufur ugu beegan Guriga Hay’adda Shaqaalaha dawladdana Waqooyi ugu beegan, sida uu ku warramay Weriye Aftahannews ka tirsan oo goobtaas gaadhay.

Weriyaha Aftahannews ka tirsan ee gobotaas gaadhay, waxa uu intaa ku daray in Ciidammo Boolis ah iyo dadweyne tiro badani ay goobtaas isugu yimi markii qaraxaas oo la aamminsan yahay inuu yahay wax gacanta laga tuuray uu dhacay ka dib, hase-yeeshee, Ciidammada ammaanku may helin cidda qaraxaas samaysay ama tuurtay, waxaanay baadhis kooban oo ay waxoogaa wadeen ka dib iskaga tageen goobtaas.

Saraakiil Booliska goobtaa yimi ka tirsan ayaa Weriyaha Aftahannews u sheegay inaanay jirin wax khasaare ah oo ay hayaan oo uu qaraxaasi geystay iyo cid ay u qabteen toona, mana jirto illaa hadda cid la ogyahay in lala bartilmaameedsaday qaraxaas sida uu Weriyaha Aftahannews ee halkaas tegay ay u xaqiijiyeen Saraakiisha Boolisku.

Lama garanayo illaa hadda ujeeddada qaraxaas oo dad badan hurdada ka kiciyey u dhacay, waxa sababay iyo nooca uu ahaa toona. Hase-yeeshee, wararka ilaha ammaanka Aftahannews ka helayo, ayaa tibaaxaya in Bambo gacanta laga tuuray lagu tilmaami karo qaraxaas, balse waxa uu ahaa qarax inta badan qaybaha magaalada Hargeysa gariirkiisa laga maqlayey.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.