Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo Baaq culus u jeediyey Siilaanyo iyo Muuse Biixi

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo xilkiisa uu galaaftay khilaafka ka dhex-qarxay Xisbiga KULMIYE, ayaa Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi u jeediyey talo,, isla markaana ugu baaqay inay si dhaqso ah u soo afjaraan khilaafka Xisbiga kala qaybiyey oo uu xusay inuu burbur Qaran horseedi karo.

Dr. Maxamed Cabdillaahi waxa uu sidaa ku sheegay khudbad uu ka jeediyey Munaasibad uu xilka Wasaaraddaas ku wareejiyey oo kagala wareegay Wasiirka isaga beddelay ee uu Madaxweynuhu toddobaadkan xilkaas u magacaabay markii uu isaga xilka ka qaaday, ka dib markii uu ka fikir duwanaaday Madaxtooyada iyo Golaha Wasiirrada Xukuumadda Siilaanyo oo ka hor-jeeda hoggaanka Xisbil-xaakimka KULMIYE.

Khudbaddaas oo uu Maxamed Cabdillaahi Cumar kaga hadlay Khilaafka KULMIYE iyo shaqada Wasaaradda uu wareejiyey, waxyaabaha intii uu joogay u qabsoomay iyo qorsheyaasha uu dejiyey ee hirgelinta iyo fulinta u baahan. Haddaba Munaasibaddaas uu Khudbadda ka jeediyey Dr. Maxamed Cabdillaahi iyadoo muuqaal ah ka daawo halkan hoose.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.