“Somaliland wanaagga aannu ku aragn -ay waxaan gaadhsiin doonnaa Sudan iyo Shacabkeeda..” Bayaan Bareer Samaani

Hargeysa(Aftahannews):- Mulkiilaha shirkadda Suudaaniga ah oo magaceeda la yidhaahdo Saakhir Mr. Bayaan  Bareer Samaani, ayaa shacbiwaynaha reer Somaliland iyo xukuumaddaba ugu hambalyeeyay munaasibadii 18-ka May ee xuska maalinta qarankani leeyahay, oo ku begaan maalintii ay Somaliland xoriyaddeeda dib ugala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, sannadkii 1991-kii.

sudanai

Mr. Bayaan  Bareer Samaani, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Shacbiga reer Somaliland iyo xukuumadooda waxaanu ugu hambalyaynaynaa munaasibadii maalintii waaddaniyadda 18-ka May ee qarannimada Somaliland, waxaanu leenahay ILLAAHAY ha idin waafajiyo xaqa, ictiraaf kaamil ahna waad heli doontaan.”

Mulkiilaha shirkadda Saakhir waxa kale oo uu intaa ku daray “Maalintii 18-ka May markaanu aragnay ciidanka socda iyo sida loo abaabulay iyo dumarka mushxaradaya ee farxadda la ooyaya, aniga laftigaygu waan ooyay, waxaan dareemay in reer Somaliland ay yihiin dadwlad iyo dad qawi ah oo qadiyad leh iyo shacab awood leh oo qadiyaddooda ku adagi in ay jiraan, insha ALLAAH waxaad gaadhi doontaan hadafkiina, ictiraaf kaamil ahna waad gaadhi doontaan, aad ayaan ugu farxay oo laabtaydu ay ugu qabawday markaan arkay dadka meesha maraya ee shucuurtooda muujinaya .”

Mulkiilaha shirkada Suudaaniga ah oo magaceeda la yidhaahdo Saakhir Mr. Bayaan  Bareer Samaani, waxa kale oo uu intaa ku daray “Anagu dadka reer Somaliland ma nihin dad marnaba ka go’aya ma nihin, xitaa haddii aanu lacagtayadii heli wayno ma odhanayno xaqayagii ayay na siin waayeen, laakiin dad aanu saaxiibnimo iyo walaalnimo diineed aanu la yeelanay ayaa jira oo aanaan marnaba ka go’ayn ayaa jira, haddii aan Suudaan tagno waxaanu nahay kuwii mar walba Somaliland ku soo noqda ayaanu nahay, haddii ay lacagtayadii sidaa ku soo noqon waydana ma nihin kuwo idinku fool xumaynaya oo sumcad xumo idiin keenaya ma nihin, dalkanna ka go’i mayno, wanaag iyo ixtiraam ayaanu idiin hayaa, wixii wanaag ah ee aanu Somaliland ku aragnay Sudaan waanu gaadhsiin doonaa dawlada Sudan iyo shacabkaba qadiyada Somaliland waanu uga sheekayn doonaa.”

Dawladda Somaliland si wacan ayay noo soo dhawaysay, way na garab istaagtay, caddalad iyo xaqba way nagu garab istaageen, dadka shacabka ah ee reer Somalilandna si wanaagsan ayay noo soo dhaweeyeen culimada iyo salaadiinta reer Somaliland guri bilaash ah ayay nasiiyeen oo aanu itnaaba degenayn.”

Mr. Bayaan waxa kale oo uu intaa raaciyay “Dhibaato ayaa na soo gaadhay oo mushkiladan naga soo haleeshay, Xafiisyadayadii oo dhami way xidhmeen, waxaa jirtay arday jaamacado noo dhignayay oo wax ka baranayay China, ardaydiina way ka yimaadeen, sababta oo ah dadka lacagta wax ku lahaa waxaa ka mid ah dad reer China ah, markaa waxaanu ka baqnay in ay dhibaateeyaan, arrintana waxaa nagaga baxay masruuf iyo lacag badan, halkanna waxaanu ku joognaa 11 qof muddo saddex bilood ah, markaa dhibaato badan ayaa nagu dhacday waxaanu maxkamada Hargeysa aanu ka codsanaynaa in ay noo dedejiso xukunka dacwadan.”

Axmed M Maxamuud

Kobciye999@gmail.com