Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo Weerar Miino lagula beegsaday Muqdisho

Muqdisho(Aftahannews):- Taliyaha Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya Jeneral Daahir Aadan Cilmi (Indho-qarshe), ayaa ka badbaaday isku day dil oo lala damacsanaa in lagu khaarajiyo maanta, ka dib markii Qarax Miino lagula bartilmaameedsaday gudaha magaalad Muqdisho Gaadhiga Taliyaha oo ahaa nooca qufulan ee aanay rasaasta ama xabbaddu karin.

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYA GENAREL DAAHIR Aadan Cabdi

Qaraxan ayaa Taliyaha lagula beegsaday Warshadda Caanaha ee degmada Hodan, xilli uu kusii jeeday wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo xafiiskiisu uu ku yaallo, iyadoo qaraxa ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah ilaaladiisa.

“Saddex Askari oo ilaalo u ahaa Taliyaha ayaa dhaawacmey,balse waxba ma soo gaarin Taliyaha, waxuuna xilliga ku siijeedey Xafiskiisa oo ku yaalla Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.” Sidaa waxa yidhi Sarkaal u hadlay dawladda.

Wararka kale ayaa sheegaya inuu Taliyaha Ciidanka Xoogga dalku ku badbaaday gaadhigiisa oo ah baabuurta celiya ama aanay karin Rasaastu. Qaraxa ayaa ka dhashay Miino waddada dhinaceeda la dhigay.

Ciidamada Somaaliya oo gacan ka helaya kuwa Midawga Afrika, ayaa wada olole ka dhan ah Malleeshiyada Al-Shabaab, oo maamusha deegaanno ka tirsan goboolada Koonfurta iyo badhtamaha dalka Soomaaliya.

Shalay ayay Al-Shabaab waxa ay weerareen Saldhig Ciidan oo ku yaala gobolka Bakool ee Soomaliya halkaasoo ay ku dileen Ciidammo badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira. Hase-yeeshee, illaa hadda weli may sheegan masuuliyadda qaraxan maanta fashilmay inay soo maleegeen Kooxda Al-Shabaab, balse waxa la rumaysan yahay inay Al-Shabaab ka dambeeyeen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.