Cudurka Ebola oo gaaray Waddamo kale oo Afrika ka tirsan

Afrika(Aftahannews):- Dad uu saameeyay cudurka dilaaga ah ee Ebola ayaa laga saaray xarun caafimaad, dalka Sierra Leone ee galbeedka Afrika. Waxaa jira cabsi laga qabo inuu fiday cudurka oo markii hore ka dilaacay dalka Guinea, balse hadda uu gaaray dalalka Liberia and Sierra Leone.

qof uu ku dhacay Ebola oo la daaweynayo

Ugu yaraan lix qof ayaa laga saaray cisbitaal ku yaalla bariga dalka Sierra Leone, sida ay sheegayaan saraakiisha wasaaradda caafimaadka oo halkaasi gaaray.

Afar ka mid ah dadkaasi oo la baaray waxaa la ogaaday inay qabaan caabuqa hargabka Ebola, sida ay saraakiisha xaqiijiyeen, Mid ka mid ahaa afartaasi qof ayaa dhintay.

Balse, maamulka may oga halka ay hadda kusugan yihiin dadka kale ee cudurkaasi laga helay, waxayna ka walaacsan yihiin inuu hergabkan uu kufido deegaano hor leh.

Shaqaalaha xarun caafimaadka oo ku taalla magaalada Koindu ee dalka Sierra Leone, meel ku dhow xuduudda Guinea, ayaa isku deyay inay ka hor istaagaan in bukaanadan ay eheladooda ka saaraan cisbitaalka, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka.

Balse qaraabada ayaa si adag u dhaqmay si ay ula baxaan dadka laga helay hargabkan Ebola.

Afhayeen u hadlay hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO oo ku sugan magaalada Geneva ayaa sheegay in cudurka uu faafay markii xubno qaraabo ah ay isku deyayeen inay daaweeyaan qof uu caabuqa saameeyay oo jirkiisa biyo ka soo bexeen.

Ururka ayaa sheegay in daaweynta laga helayo dhaqaatiirta inay xittaa caawineyso qofka bukaanka ah, balse aysan yareyn karin inuu cudurka fido.

Qiyaastii 200 oo qof ayaa illaa iyo hadda u dhimatay cudurka, dadkaasi badan koodana waxay ku dhinteen dalka Guinea.

Cudurka Ebola waa mid sababa dhimasho degdeg ah, illaa iyo haddana looma hayo dawo looga hortago ama lagu dilo caabuqa uu ka dhasho.

Xigasho BBCSomali.com.