Kacdoonka KULMIYE oo kalsooni-darro ku abuuray Ganacsatada gudaha iyo dibedda

Hargeysa(Aftahannews):- Kacdoonka siyaasadeed iyo khilaafka awood kala jiidasho ee toddobaadkii u dambeeyey hadheeyey Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa kalsooni-darro iyo werwer hor leh ku abuuray Ganacsatada gudaha ku shaqaysta iyo Maal-gashadayaasha iyo Ganacsatada Somaliland daneeya.

CALANKA XISBIGA KULMIYE

Ganacsade Maxamed Baar-jeex oo ka mid ah Ganacsatada reer Somaliland, ayaa ka hadlay khilaafka awood kala jiidasho ee labada Garab u qaybiyey Xisbiga talada haya ee KULMIYE, oo uu sheegay is-hayntoodu kalsooni-darro iyo welwel ku abuurtay Ganacsatada gudaha iyo Maal-gashadayaasha caalamiga ah ee Somaliland danaynaya. Waxaanu talooyin u jeediyey Madaxweynaha iyo Hoggaanka Xisbigaas.

Maxamed Baar-jeex oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxa uu sidoo kale Hambalyo iyo bogaadin u diray Boqorka Beelaha Daarood ee toddobaadkan la caleemo-saaray, waxaanu Tacsi u diray Shacabka iyo dawladda Jabuuti oo uu ka tacsiyadeeyey weerar ismiidaamin ah oo dhawr habeen ka hor lagu weeraray goob laga cunteeyo oo ku taalla badhtamaha Suuqa Jabuuti oo dhimasho iyo dhaawac sababay. Waxaanu sidoo kale sheegay in laga been-abuuray Maqaal Warbaahinta Internet-ka lagu qoray oo wax lagaga sheegayo Madaxweynaha Jabuuti.

Waxa uu Maxamed Baar-jeex tilmaamay in khilaafka Kulmiye Shaki badan dalka gelin karo, maaddaama oo uu yahay Xisbiga talada haya, sidaa darteedna loo baahan yahay in kala qaybsanaantiisa dawo loo helo. “Halkii ay taladu innoo taallay ee dawladdu ka unkuntay waa Xisbiga KULMIYE, waa Xisbigii laga filayey inuu tansiilaad badan gudihiisa iyo dadka kaleba u sameeyo, waxaana hore uga soo baxay khilaafyo laga heshiiyey shirweynihiisiina si fiican buu ku dhammaaday. Laakiin, arrintan dambe ee ku soo korodhay ayaa dadkii shaki badan gelisay ciddii kale ee ay ka timaaddana dadku waxa uu u arki lahaa wax la dhayi karo.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Baar-jeex.

Ganacsade Baar-jeex oo ka hadlayey saamaynta khilaafka KULMIYE kalsoonida dalka ee Ganacsatadiisa iyo Maal-gashadayaasha dibedda uu ku yeeshay waxa uu yidhi; “Dareenka dadka waxa kiciyey waxay nabadgelyadooda iyo hantidooda ayuu dareen galay, aniguna taas dadkaan kala mid ahay, waxanan qabaa in qaddiyaddaasi ay dalka dareen gelisay, innagoo keliyana ma aha ee Dadkii Maal-gashadayaasha ahaa ee dibedda innagaga imanayey laftoodu wax bay is weydiinayaan, Islaantii Sheffield hagbadda ka soo qaadatay ee lahayd Baloodh ka dhisana shaki baa galay, waxaanan leeyahay dadka shaki yaan la gelinnin, Xisbigana halla Turxaan-saaro.”

“Xisbigu tanaasul badan ha isu sameeyo, Golaha Guurtiduna si hagar la’aan ah ha uga taliyaan doorkoodii meesha wuu ka muuq daaye, haddii Sharciyadda loo baydho oo wixii ay ku heshiiyeen ku wadahadlaan waxa suurtagal ah in la is af-garto, arrintana yaan la reeraynin baan leeyahay.” Sidaa ayuu yidhi Ganacsade Maxamed Baar-jeex.

Waxa uu Maxamed Baar-jeex farriin u diray Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi iyo ku-xigeenkiisa koowaad Maxamed Kaahin, waxaanu yidhi; “Madaxweynaha waxan leeyahay dul-qaad baa lagugu ogaaye same, Nimanka kale ee Kornaylada ahna waxan leehayay shalayto iyo Maanta isku mid ma tihidin, maantana Awoowyaal baad maraysaan, shalayna dhalinyaro ayaad ahaydeen, markaa waa inaydaan isku si u socon oo u hadal shalay iyo maanta. Maanta waxaa la idinka filayaa inaad talada guud ee wanaagsan aad Xambaarsanaataan.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.