65 Sannadood Ka Dib ayuu Wereejiyey Geel uu Dhacay!

Xarshin (aftahannews):- Dhacdo taariikhda gelaysa ayaa maanta ka dhacday deegaanka Soomaalida, kaddib markii lala kala wareegay geel la kala dhacay muddo laga joogo 65 sannadood.

La kala wareegista Geela ee Xarshin 2024
La kala wareegista Geela ee Xarshin 2024

Cali Kaahin oo kasoo jeeda degmada Yoocaale ee gobolka Jarar ayaa dib iskaga celiyey geel uu sheegay inuu kasoo dhacay degmada Xarshin, kaas oo gacanta laga saaray qoyskii iska lahaa geelaas.

Cali Kaahin, ayaa dhawr qof oo kale uga horreeyeen jidkan, iyagoo dhawrkii sano ee u dambeeyay la arkay dad sidan oo kale isaga celiyay Geelal ay dhaceen. Waana waddo wanaagsan oo ay tahay in lagu daydo.

Munaasibadda Geela lagula kala wareegayay maanta, waxaa ku sugnaa Odayaal labada dhinac ah iyo Maamulka gobolka Jarar, kuwaas oo bogaadiyay go’aanka uu Geela ku soo celiyey Cali Kaahin.

Xoolo xaaraan ah oo aad haysato, waxa ay kuu horseedayaan ciqaab aakhiro, waxaana wanaagsan wixii shacabka Soomaaliyeed ku kala maqan inay dib isugu celiyaan inta la nool yahay oo tusaale laga dhigto Cali Kaahin iyo Ragga kale ee tallaabadan uga horreeyey.