Madaxweynaha Djibuuti oo Dhalliilay Heshiiska Isfaham ee Somaliland iyo Ethiopia

Djibouti (aftahannews):- Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku dhalliilay Somaliland Muuse Biixi heshiiska is-afgarad ee uu la galay Itoobiya bilawgii sannadkan 2024-ka, kaas oo Soomaaliya sharci-darro ku tilmaantay.

Dhalliisha Madaxweyne Geelle, ayaa ku timid saameynta heshiisyada ceynkaas ah ay ku yeelan karaan xasilloonida gobolka iyo arrimaha madaxbannaanida, gaar ahaan marka la eego tan cakiran ee u dhexyesa Somalia iyo Somaliland.

Madaxweyne Geelle wareysi dheer siiyay wargeyska Jeune Afrique ee afka Faransiiska, ayaa si weyn dhalliilay in Ethiopia ku lug yeelato arrimaha gobolka doonaya inuu gooni uga go’o Soomaaliya oo uu ula jeedo Somaliland.