Ethiopia oo Sheegtay in Ciidankeedu Gacanta ku hayaan Soomaaliya 60%-kiiba Dhulkeeda

Addis Ababa (aftahannews):- Ethiopia, ayaa sheegtay in Ciidammadu ay ku sugan yihiin 60%-kiiba dhulka Soomaaliya, isla markaana ay halkaas u joogaan ilaalinta Itoobiya iyo nabadda Soomaaliya.

Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya Marshal Birhanu Jula oo Waraysi siiyay Warbaahinta EBC ayaa ka hadlay qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Ciidamada Itoobiya ee ku sugan qaybo kamid ah Soomaaliya, sababta ay u joogaan Ciidamadaas iyo waxa ay ka qabtaan gudaha Soomaaliya.

Taliyuhu waxa uu sheegay in Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ay gacanta ku ku hayaan 60% Dhulka Soomaliya oo ay nabaddiisa ilaalinayaan.

Waxa kale oo uu sheegay Taliyuhu in Ciidammada Itoobiya ay naftooda u hurayaan nabadaynta Soomaaliya.

Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay in Ciidammada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ay sababeen in Dowladda Soomaaliya ay fadhi ka dhigato Muqdisho.

“Berri haddii Ciidammada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya uma malaynayo in Dowladda Soomaaliya ay fadhiyayso Muqdisho.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Millateriga Itoobiya Birhanu Jula.

Geesta kale, Taliye Birhane waxa uu xusay in Dawlad-goboleedyada Soomaaliya ay intooda badan taageersan yihiin joogitaanka Ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya. Taliyuhu waxa uu sheegay in haddii Ciidanka Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya ay shacabku odhanayaan “Waannu idin sii raaci…!” ayuu yidhi Taliye Jula.

Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ay joogaan Soomaaliya waxa uu Taliyaha Ciidamada Itoobiya ku sheegay inay halkaa u joogaan sugidda amniga dalka Itoobiya iyo in Soomaaliya laga difaaco Al Shabaab, sidaas darteed waxa uu Taliyuhu carrabka ku adkeeyay in gobollada Soomaaliya ee ay joogaan Ciidamada Itoobiya aysan ku wareejin doonin waxa uu ku sheegay Cadow, inkasta oo uusan qeexin waxa uu ka wado hadalkaa iyo cidda uu hadalkaa ula jeedo.

Ugu dambayn Taliyaha Ciidamada Itoobiya waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dafirtay wanaaggii aan u samaynay Soomaaliya, halka shacabka Soomaaliya ay umahad celinayaan Ciidamada Itoobiya isla markaana ay garanayaan naf huristii aan dartood u samaynay, waa siduu hadalka u dhigay Birhanu Jula Taliyaha Ciidamada Itoobiya.

Hadalka Taliyaha Millateriga Itoobiya, ayaa ku soo beegmaya xilli khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya cirka isku shareeray, kaas oo ka dhashay heshiiska isfaham ee ay Itoobiya iyo Somaliland wada galeen 1dii January 2024-ka, ee Itoobiya ku helayso Saldhig Ciidan Badeed iyo marin ganacsi, Somalilandna ku helayso inay Itoobiya aqoonsato.

Dowladda Soomaaliya, ayaa si weyn uga soo horjeesatay heshiiska isfaham oo ay ku tilmaantay mid sharci-darro ah iyo farogelin ay Itoobiya ula badheedhay madaxbannaanida Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.