Waran-cadde oo Dabkii uu UDUB ku soo burburiyey ka dhex-shidaya KULMIYE

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa maanta ka hadlay wadahadal Ergooyinka dhex-dhexaadinta dhinacyada Xisbiga KULMIYE u qaybsamay u gurmaday la bilaabeen Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoonka Xisbigaas oo kala hoggaaminaya labada Garab ee KULMIYE u kala fadhiyo.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in ciddii Sharciga ka baydhay lagu soo dabbaali doono oo wadahadalladuna ay taas ku salaysnaan doonaan. Weedhaas ayaa u muuqan karta mid dhinacyada is-haya ee KULMIYE sii kala fogeyn karta, maaddaama dhinac waliba ku doodayo inuu isagu sharciyadda ku taagan yahay.

Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ka mid ahaa Siyaasiyiinta Xisbigii burburay ee UDUB, kaasoo uu ka mid ahaa dhinacyadii bilaabay, isla markaana huriyey khilaafkii UDUB galaaftay, kaasoo markii uu sii burburayey uu Madaxweyne isaga sharraxay sannadkii 2012-kii. Waxaanay dhibaatada weedhiisani dhalisaa noqon kartaa qorigii dabka lahaa ee uu UDUB ku soo burburiyey oo uu KULMIYE la dhex-galay sida ay ku doodayaan dadka Siyaasadda Somaliland oddorosaa.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka Wasiir Waran-cadde oo arrimahaas iyo halkay marayaan ka hadlaya.

Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa markii uu ka burburay Xisbigii UDUB ee uu khilaafkiisa Curiyaha u ahaa waxa uu ku biiray Xisbiga WADDANI oo markaa ahaa Urur-siyaasadeed wax yar ka hor doorashadii Golayaasha deegaanka Somaliland oo qabsoontay 29-kii October sannadii 2012-kii, kaasoo sidii uu xubin uga ahaa Masuuliyiintiisa uu Madaxweyne Siilaanyo Xilka Wasiirka arrimaha gudaha u magacaabay sannadkii hore, isla markaana aanu caddayn meel uu kaga baxay WADDANI, inkasta oo Xeerka Xisbiga KULMIYE dhigayo Xubin kasta oo uu Madaxweynuhu Xil Wasiir ama Wasiir Ku-xigeen u magacaabaa inay xubin rasmi ah ka noqonayso Golaha dhexe ee KULMIYE, maalinta xilka laga qaadana uu waayayo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.