Urur-goboleedka IGAD oo War Cusub ka Soo Saaray Masiibada Badda Cas

Djibouti (aftahannews):- Urur-goboleedka IGAD, ayaa ku baaqay in loo baahan yahay faragelin degdeg ah oo wax lagaga qaban karo musiibo dhanka bii’adda ama deegaanka ah oo ka dhacda Badda Cas.

Urur-goboleedka IGAD, ayaa walaac xooggan ka muujiyey musiibo weyn oo ka soo foolleh Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ka dib markii uu Xeebaha Yeman ku degey Markab la yidhaahdo Rubymar oo sidey in ka badan 12,000 oo metric tonnes oo kiimikada beeraha lagu bacrimiyo ee ammonium phosphate ah – taas oo u dhiganta 22 oo tan oo shidaal ah in in badda lagu qubay.

IGAD waxa uu ka digay; “Kiimikada biyaha ku milanta waxay halis gelineysaa noolaha Noolaha Badda ku jira, waxaanay baabbi’in kartaa dhirta iyo balbalooyinka badda gunteeda ku waaban ee daaqsinka iyo gabaadka u ah nafleyda Badda ku nool.”

Warkan, ayaa lagu sheegay in waddamada IGAD iyo guud ahaan dalalka kulaala Badda Cas ay muddo dheer ku qaadan doonto inay ka soo kabtaan waxyeelada ka dhalata halista kiimikada badda lagu qubay.

IGAD waxa uu ku baaqday in si degdeg ah loo damiyo xiisadda ka oogan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, si ayey yiraahdeen loo ixaqiijiyo nabadda iyo bedqabka badda iyo noolaha ku xidhan.