Cillad Dunida Saamaysay oo Caawa Haleeshay Facebook, Masenger, Instagram iyo kuwo kale

Dunida (aftahannews):- Shabakadda ugu ballaadhan ee ay dunidu ku xidhiidho ee Facebook, Masenger, Instagram iyo kuwo kale, ayaa caawa muddo saacad iyo dhawr daqiiqadood ah ka maqnaa hawada, kaddib markii ay ku timid cillad aanay shirkaddu faahfaahin badan ka bixinin waxa sababay.

Shirkadda Meta ee iska leh Facebook ayaa qoraal ay ku daabacday barteeda X (Twitter) waxa ay ku sheegtay in ay la socoto inay dhibaato ku timid isticmaalka shabakaddeeda laakiin ay ka shaqaynayso sidii ay dib ugu soo celin lahayd.

Qoraalka ay shirkaddu soo saartay ayaa u dhignaa sidan: “Waanu ka war haynaa in dadku ay ku dhibban yihiin isticmaalka adeegayaga. Hadda waanu ka shaqaynaynaa.”

Warbaahinta adduunyada ee dhinaca dhaqaalaha ayaa waxa ay durba warinayaan in khasaare dhawr tirilyan oo dollar ah ay sababtay cilladda ku timid Facebook iyo Instagram.

Abbaaro 6dii iyo 21 daqiiqadood ee Maqribnimo waqtiga Geeska Afrika ayay hawada ka baxeen Facebook iyo Instagram, waxaanay soo laabteen 7:26pm fiidnimo waqtiga Geesika Afrika.

Shirkadda Netblocks ee xarunteedu tahay magaalada London ee lagala socdo qulqulka Internetka iyo shabakadaha Internetka ayaa sheegtay in cilladdani ay si isku mid ah u saamaysay shabakadaha Facebook, Instagram, Messenger iyo Threads.

Waxa kale oo la diiwaangeliyey 200 riboot oo ay gudbiyeen isticmaaleyaasha WhatsApp Business oo isagana ay dhibaato ku timid, balse lagama sinnayn maqnaanshaha WhatsApp-ka, waxaana uu saameeyey dad kooban.

Waxaa jiray in ka badan 300,000 oo wargelin ah kuwaas oo sheegaya in Facebook-ga uu maqan yahay, halka ay jiraan in ka badan 20,000 oo lagasoo sheegay Instagram oo ay shirkadda Meta wada leedahay, sida laga soo xigtay mareegaha oo raadraaca go’itaanka iyaga oo ururinaya warbixinnada xaaladda dhowr ilo, oo ay ku jiraan isticmaalayaasha.

Wakaaladda wararka ee reuters ayaa sheegtay in shirkadda Meta aysan isla markiiba kasoo jawaabin codsi ay u dirtay si ay faallo uga bixiyaan cilladda.