Shirkadda Golis oo haddiyad qaali ah guddoonsiisay Suldaanka Beelaha Meheri

Garoowe(Aftahannews):- Shirkadda isgaarsiinta Ee Golis Telecom Somalia, ayaa haddiyad qaali ah ugu deeqday Suldaanka Beelaha Meheri iyo Suqadara ee dalka Yemen.

image002

image002 image010 image014image004 image012 image014 image016 image018

Shiradda ayaa haddiyad qaali ah kala siisay Suldaan Cabdalla Al-Cafraar iyo Sh.Yuusuf oo ah kaaba qabiilka beelaha Meheri ee daga jasiiradda Suqadra,Gen.Al-Xiraysi oo ah abaan duulaha cidamada ilaalada xudduuda Yemen oo dhammaantood ka soo jeeda Beesha Meheri Ee dalka Yemen.

 haddiyadan oo ka koobnayd khayraadka dhulkeenu la gaarka yahay ayaa waxaa guddoonsiiyay Madaxa Hoggaanka Ganacsiga Ee shirkadda Golis Mudane Cumar Ciise Maxamed. Haddiyadaas qaaliqa ah ayaa wafdiga Meheri Ismaaciil ee soo booqday degaanada Puntland si ay uga qayb galaan caleema saarkii boqorkii 34-aad ee beelaha Daarood.

Wafdiga Meheriga ayaa intii uu joogay dalka waxa uu la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada,shirar gaar ahna la yeeshay beesha Meheri ee degaanada Puntland. Shirkadda Golis waxay ku caan baxday fur furnaan iyo  xiriirka ay la leedahay bulshada  , taasoo ay ku kasbatay in bulshadu ugu yeerto  halkudhegga ah “ISGAARSIINTA GEYIGEENA” .

Waxaa xusid mudan in Shirkadda Golis ay door lixaad leh ka soo qaadatay baahinta iyo sidii caalamku ula socon lahaa doorashooyinkii ka dhacay Puntland. Caleema-saarkii Madaxweynaha Puntland iyo weliba caleema-saarkii Boqorka Beelaha Daarood.

Xogta Shirkadda Golis.