Midowga Afrika oo Guddoomiye Cusub ku Doortay Shirka 37-aad ee Addis Ababa

Addis Ababa (Aftahannews) – Guddoonka Ururka Midowga Afrika, waxaa maanta la wareegay dalka Mauritania, ka dib markii maanta cod aqlabiyad ah loogu doortay Shirka Midowga Afrika oo Addis Ababa ka furay.

Shirka 37-aad ee Midowga Afrika Addis Ababa  2024
Shirka 37-aad ee Midowga Afrika Addis Ababa 2024

Madaxweynaha waddanka Comoros oo hore u ahaa guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa xilkaas wareejiyey, waxaana beddelay oo xilkaa la wareegaya Mohamed Ould Cheikh Mohamed Ahmed Ould Ghazouani oo noqday guddoonka cusub ee Midowga Afrika ee lagu doortay shir madaxeedka 37aad oo maanta ka furmay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.