Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Finland ee WADDANI oo ka warramay waxa u qabsoomay sannad uu xilkaas hayey

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Garabka Dhalinyaradda ee Laanta Finland Suldaan Siciid Axmed, ayaa ka xog-waramay mudadii uu hayey xilka iyo sidoo kale waxyaabihii uqabsoomay iyo waliba himiladiisa Siyaasadeed.

Gudoomiyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaa laga joogaa sanad buuro ah wakhtigii aan kusoo biiray xisbiga WADDANI Somaliland National Party, waxaa la’ii magacaabay jagada Guddoomiyenimada Garabka Dhalinyaradda ee Laanta Finland ee Xidbiga WADDANI, waxeey ii ahayd farxad iyo sharaf weeyn inaan la shaqeeyo madaxda iyo xubnaha WADDANI ee Laanta Finland, iyo sidoo kale inaanu xidhiidh iyo wada shaqeeyn yeelano laamaha Qaarada Yurub iyo waliba Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADDANI iyo sidoo kale inaanu is barano Xildhibaanada Xisbiga WADDANI ee Gollaha Wakiilada JSL iyo Xildhibaanada Goleyaasha Deeganada iyo Hogaanka sare ee xisbiga oo dhan, waxaa sharaf ii aheeyd inaanu is barano Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo aan odhan karo waa macalinkeeyga iyo hormuudkeeyga aan higsado.”

Guddoomiyaha Garabka Dhalinyaradda ee Laanta Finland Suldaan Siciid Axmed isaga oo sifaynaaya Shaqsiyada Gudoomiyaha Xisbigooda ayaa waxa uu yidhi” Qofkasta oo dooniya siyaasi iyo hogaamiye uu hiigsado oo uu ka dhigto “role model” waxaan odhanlahaa Cabdiraxmaan Cirro waa hogaamiye qalbigiisa farxad iyo jaceeyl ka buuxo oo had iyo jeer wanaaga ku dadaala, taasina waa astaamaha dadka wanaagsan ee eeynu ku wada dayano yar iyo weeynba.”

Gudoomiye Suldaan Siciid mar uu ka hadlaayey Tayada Xisbigooda Wadani ayaa waxa uu yidhi” Xisbigan WADDANI ayaa ah xisbi qaran oo shacabka reer Somaliland iska leeyihiin, runtiina intii aan ku jiray iskayo baray dad badan oo reer Somaliland ah oo markii horeba iyadoo Somaliland dadku walaalo wada yihiin hadana xisbigan dadka uu iskaayo baray waanu iska jecelnahay walaalaheyga caloosha aanu wada galney waayo reer WADDANI mabda, rayi, aragti, fikir iyo ujeedo ayaa namideeyay waana sheey aad u qaaliya, runtii xisbigan waxaan Illaahey ka rajeeyniyaa inuu noqon doono mid waligii jira oo jooga oo guuleeysta oo jiilba jiil usii dhiibo.”

Sidoo kale mar uu Gudoomiye Suldaan Siciid mar uu ka hadlaayeywaxqabadkiisa mudadii uu xilka hayey ayaa waxa uu yidhi “Waxaan dhawaan sidookale kusoo bandhigi doonaa shirka Laanta Finland ee Xisbiga WADDANI wax qabadkii mudadaa sanadka ah ee aan xilka hayey u qabsoomay Garabka Dhalinyarada ee aan Guddoomiyaha ka ahay oo qoraal ah inshaAllah.”

Guddoomiyaha Garabka Dhalinyaradda ee Laanta Finland Suldaan Siciid Axmed ayaa waxa uu tilmaamay inaan Xisbiyada Qaranku u sinayn Isticmaalka Warbaahinta Qaranka isagoo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi” Maanta waxaa farxad ii ah xisbiga WADDANI isaga oo aan isticmaaleyn saxaafada qaranka ee lawada leeyahay oo maanta dowlada oo kaliya ka hadlaan iyo lacagtoona inaanu hadana yahay xisbiga dalka ugu weeyn xaga taageerada iyo xubnahaba, qofkastaana maanta ku odhaniyo WADDANI ayaan ahay, taana waxaa keentay ayaan odhan karaa dadka oo saluugay siyaasada dalku kusocdo maanta iyo dowlada Kulmiye oo aan fulin balan qaadyadii eey shacabka ugusoo balan qaadeen wakhtigii eey ololaha ku jireen iyo anaga oo shacabka barnaamijkayaga siyaasadeed si cad ugusoo bandhignay hadeey noqoto, shaqo abuurka, dhaqaalaha dalka, caafimaadka, waxbarashada, maamul daadajinta, difaaca dalka, waxsoosaarka,dhiiri gelinta dhalinyarada iyo haweenka iyo aqoonsi raadinta dalkeena, intaas oodhana aanu maanta kashaqeeyneyno anagoo mucaarid ah. Illaahey ayaa mahad oo dhan iska leh, marka xigtana shacabka reer Somaliland ee dalka gudahiisa iyo dibadaba ee mar walba u taagan horumarka iyo nabada dalkeena iyo in eynu maalin maalmaha ka mida noqono dalalka qaniga ah ee hore umaray.”

Isku soo wada duuboo Guddoomiyaha Garabka Dhalinyaradda ee Laanta Finland Suldaan Siciid Axmed ayaa waxa uu kamid yahay dhalinyarada aad u da’da ee dhawaanta kusoo biirtay Siyaasada isla markaana aad ka uga dhex muuqda Saaxada Siyaasada.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.