Madaxweynaha Soomaaliya oo Addis Ababa lagu Soo Dhaweeyey & Shirka Midowga Afrika

Addis Ababa (aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Jimcaha maanta gaadhay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qayb-galayo Shirka Ururka Midowga Afrika iyo shirar kale oo ka dhacaya Addis Ababa.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa shalay sheegay inuu Shirka 37-aad ee Midowga Afrika iyo Shirar ay yeelanayaan Urur-goboleedka IGAD iyo kuwo kale uu horgeyn doono mawqifka Soomaaliya ay ku diiddan tahay heshiiska isfaham ee Itoobiya ay Somaliland la gashay 1dii January 2024-ka, isla markaana Itoobiya Bad ku helayso, Somalilandna aqoonsi, sida ay sheegeen masuuliyiinta Addis Ababa iyo Hargeysa.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska madaxtooyada Villa Somalia oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com oo lagaga hadlay Safarka Madaxweynaha iyo Shirarka u qorshaysan, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb geli doona Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika.

Madaxweynaha, ayaa gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madaxbannaanida iyo midnimadeeda dhuleed, isagoo hoosta ka xariiqay sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xadgudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbad uu ka jeedinayo Golaha waxa uu ka shaqeyn doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka argagixisada, daris-wanaagga iyo in dalalka Afrika ay ka gudbaan caqabadaha nololeed iyo kuwa deegaan ee dib u dhigay nolasha shucuubta Qaaradda.

Inta uu socdo shirku, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la yeelan doona madaxda kala duwan ee dowladaha, Ururrada iyo wufuudda muhiimka ah ee ka qeyb-galaya, isagoo mudnaanta siinaya xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka Afrika iyo danaha Qaranka Soomaaliyeed.” Sidaa ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka Villa Somalia.