Weriye Ciidan ka Afduubay Jigjiga oo aan la garanayn meel la geeyay

Jigjiga (aftahannews) – Saddex maalmood ka hor waxa magaalada Jigjiga lagu afduubtay wariye Muxyadiin Maxamed Cabdullaahi oo loo yaqaano (Muxyadiin Show), kaas oo ciidamo aan la garanayn ay la baxeen illaa haddana aan la haynin meel lagu haysto.

Weriye Muxyadiin oo ka mid ah saddex wariye oo ku hadhay Jigjiga oo saxafiyiintii kale ay uga yaaceen maamulka Mustafe Cagjar oo xabsi, jidh-dil iyo cago-juglayn ku hayay muddadii uu Madaxweynaha ka ahaa Deegaanka Soomaalida, ayaa waxa ehellada Muxyadiin ay 78kii saacadood ee ugu dambeeyey ku mashquulsanaayeen raadinta halka lagu xidhay.

Jigjiga oo ay ku yaallaan in ka badan 17 guri oo ah jeelal qarsoodi ah oo maamulka Mustafe Cagjar ay ku jidh-dilaan shacabka, ayaa waxa kale oo aan illaa hadda la ogeyn sababta loo xidhay Muxyadiin iyo cidda xidhatay intaba.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa sannad ka hor mamnuucay in saxaafadda madaxa-bannaan ay ka hawlgasho deegaanka Soomaalida, waxaana ruqsadihii lagala noqday telefishannada Soomaalida ee xarumaha ku lahaa halkaas, iyadoo wakiilladoodiina ay tahriibeen markii ay u adkaysan waayeen tacaddiyada xukuumadda Madaxweyne Mustafe Cagjar.