Suldaan Maxamed oo si qaawan u qeexay cidda 5 sano ee soo socda Madaxtooyada loo qorsheeyey

Hargeysa(Aftahannews):- Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa shaaca ka qaaday cidda ay Madax-dhaqan ahaan u qorsheeyeen shanta sano ee soo socota inay Somaliland hoggaamiso oo ay Kursiga Madaxtooyada fadhiisato.

00000000000000000000000000000000099998888

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo uu weliyo Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdillaahi, ayaa si wada jir ah  u taageeray murrashaxnimadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay sheegeen inuu mudan yahay in mar kale dib loo soo doorto.

Shir Jaraa’id oo ay labada Suldaan ku wada qabteen magaalada Hargeysa, waxa ugu horreyn ka hadlay Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan CabdiQaadir , waxaanu yidhi; “Xisbiga KULMIYE  waa xisbi xaakimkii inuu burburo  ummadu ma jecla  oo  ma doonayso burburkiisana way ka soo horjeedaa,  waayo  waxa uu ka dhigan yahay qof kurkii laga jaray oo kale. Dalkan 23 sanno ee madax banaanida haystay, 20-kii  sanadood ee hore maamul uun baa nalagu barbaranayay in dib naloogu bartana raalli kama nihin, saddexdaa sanno ee xukuumadda  KULMIYE  ay jirtay ayaanu u tirinaynaa wax-qabad dowladu muujisay.”

Suldaan Maxamed waxa uu intaas ku daray inaanay shacbiga ku dul-gorgortami Karin siyaasiyiin kursi doon ahi, waxaanu yidhi; “Kuma gor gortami karaan shacabka Somaliland annaga ayaa salaadiintoodii ah, annaga ayay na hoos na damqaysaa nabad-gelyo darradoodu,  annagu (salaadiinta) waa ka dhiidhiyaynaa nabad gelyo daradoodduba.”

Suldaanka guud waxa uu xisbiga KULMIYE u soo jeediyay inay dib ugu noqdaan shuruucdooda oo ay ku kala baxaan. “Waxaan leeyahay xisbiga KULMIYE siyaasiyiintiisa iyo Hoggaankiisuba iskula noqda sharcigiina oo dadka ka daaya hanjabaada, dadweynuhu ma qaadi karro nabad-gelyo darro’e. Waxaan leeyahay taag uma hayno 10 sanno oo dambe oo nalagu barbarto maamulka, waxaan leeyahay Madaxweynahaa maanta xilka haya aan kursiga u dayno.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdillaahi, ayaa isna ku dooday in xukuumadda Somaliland ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay wax-qabad balaadhan iyo horumar la taaban karo dalka ka fulisay, isla markaana uu istaahilo in mar labaad dib loo soo doorto.

“Nabad-gelyadda dalkan  madax-dhaqameedka iyo shacbiga ayaa ilaalinaya, markaa cidna kama yeelayno inay hanjabto. Madaxweyne Axmed Siilaanyo xukuumaddiisu wax aad iyo aad u badan ayay qabatay, waa uu istaahilaa in mar labaadna la soo doorto, waanan taageersan nahay. Markaa cidda doonaysa inay  nidaam khaldan u marto kursiga iyo siyaasadda, waxaanu leenahay hankaaga iyo waxaad doonayso sifo sharciga waafaqsan u doono, ummaddana ha ka dul-hanjabina.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Xuseen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.