Xukuumadda Biixi oo u Hanjabtay Xildhibaanno ka Soo Horjeestay Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ee Badda

Hargeysa (aftahannews):- Qaar ka mid ah xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Somaliland oo ka kooban Guurtida iyo Wakiiladda, lagana soo doorto gobolada Awdal iyo Selel, ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan heshiiskii is-afgaradka ahaa ee1-dii bishii Janaayo dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya ee Badda.

War qoraal oo ay soo saareen xildhibaannada ayay ku sheegeen in heshiiakaas uu ah mid sharci darro ah, kana soo horjeeda Diinta, Danta dadka iyo Dastuurka.

Bayaankaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee hadalo adag lagu qoray, ee masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Shrci dajintu ay dadweynaha la wadaagaan.

Xildhibaanada soo saaray bayaankaan ayaa waxaa kamid ah, Cali Xaamud Jibriil, oo ahguddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada ee Somaliland.

Waxay sheegeen in heshiiskani uu toos u taabanayo dadka deegaanada laga soo doortay ee ay matalaan.

Xildhabaanad ayaa waxay ugu baaqeen xukuumadda Somaliland in ay ka noqoto is-afgaradka ay la gashay Itoobiya.

Abiy Ahmed and Muse Bihi singed agreement January 2024
Abiy Ahmed and Muse Bihi singed agreement January 2024

“Waxaanu ugu baaqaynaa xukuumadda Somaliland inay ka noqoto is -afgaradka oo ay talo-wadaag ka yeelato arrimaha masiiriga ah ee quseeya jiilalka dambe” ayaa lagu yiri bayaanka xildhibaanada.

Xubnahan ka midka ah xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Somaliland oo ka kooban Guurtida iyo Wakiiladda ee laga soo doorto gobolada Awdal iyo Salal, ayaa baaq u diray ururo caalami ah oo ay kamid yihiin Qaramada Midoobey , Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta.

“Waxaanu cadeynaynaa ururka jaamacadda carabta, IGAD, Ururka Islaamka, midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey in shacabka Awdal iyo Salal aysan ogoleyn in Itoobiya laga siiyo dhul, bad iyo marin toona gayiga Somaliland iyo Awdal iyo salal,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Cabdinaasir Buuni Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurka Somaliland
Cabdinaasir Buuni Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurka Somaliland

Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, oo ah wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arimaha dastuurka Somaliland oo BBC la hadlay, ayaa sheegay in ay ula muuqato in xildhibaanadu ku dagdageen go’aanka ay qaateen.

Wuxuu tilmamaay in xukuumaddu ay qorsheyneysay in ay heshiiska hogeyso golayaasha xeer dajinta, balse ay ka hor-dhaceen xildhibaanadu waqtigii qorshuhu ahaa.

“Nasiib daro ayaan ku tilmaami karaa, iyaga oo masuuliyiin qaran ah oo la doortay oo la dhaariyay inay ka hor degdegaan oo sara jooga ku atixyaadsadaan oo heshiiskii la keeni lahaa golayaasha xeer dejinta oo xukuumadda ahaan aanu u soo wadnay inay ka hor degdegaan waa nasib daro wayn” ayuu BBC da u sheegay wasiir Buuni.

Cabdinaasir Buuni, dhanka kale waxa uu sheegay in go’aanka ay soo saareen xildhibaandan u yahay mid ka soo horjeeda “qarannimada Somaliland”. ma uusan cadeyn sida go’aankoodu uga soo horjeedu “qaranimada Somaliland”.

Tan iyo intii uu heshiiskan is-afgaradka soo baxay waxaa ka dhashay muran badan oo gudaha Somaliland, kaas oo siyaasiyiinta qaar ay ka biyo diideen heshiiska.

Wasiirkii Gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa noqday wasiirkii ugu horreeyay ee is casila. Sideed bari kadib markii la ansxiyay heshiiska ayuu baneeyay xilkii uu u hayay Somaliand. Waxa uu ku sheegay is-casilaadiisa in uusan raali ka ahayn heshiiska ay Somaliland iyo Itoobiya ku wada gaareen Adis Ababa.

Sidoo kale wuxuu ku dooday in ay ahayd in golaha wasiirrada lagala tashado heshiiska ay Somaliland la gashay Itoobiya oo ah dal daris ah oo aan bad lahayn.

Soomaaliya ayaa si caro leh uga jawaabtay heshiiska, waxayna ku tilmaantay faragalin arrimaha gudaha Soomaaliya lagu sameeyay.

Mareykanka iyo Midowga Afrika labaduba waxay taageereen midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxayna ku boorriyeen dhammaan dhinacyada inay qaboojiyaan xiisadda.

Xiisadda ka dhalatay heshiiskaan ayaa wali taagan, iyada oo Soomaaliya iyo Itoobiya aysan wax wadahadal ah ka yeelan waxa lagu xallin doono khilaafka uu aburay.