Haweenay caalamku si weyn u baadi-goobayo oo la Guursaday

Nairobi(Aftahannews):- Haweenay Caalamka Argagigixsada la dagaallamaa si weyn u raadinayo oo ku jirta Liiska dadka argixisada ah ee Madaxooda lacagta la dul-dhigay, ayaa la sheegay inay guursaday Sarkaal sare oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta dalka Soomaaliya.

Samantha Lewthwaite

2014527635367737674289599Samantha-Lewthwaite-300x300

Gabadha u dhalatey dalka Britain balse ka barbar dagaallanta Al-shabaab, ayaa la sheegey xilligaan inay guursata Sarkaal sare oo ka tirsan Malleeshiyada Al-Shabaab, sida ay baahiyeen Sirdoonka waddamada Ingiriiska iyo Kenya.

Warbixin ay Warbaahintu maanta faafisay ayaa lugu sheegay in Sirdoonka dalalka Kenya iyo Ingiriiskiu ay ogaadeen Haweenayda lagu magacaabo Samantha Lewthwaite inay noqotey Xaaska Nin lugu sheegay magaciisa Xasan Macallin Ibraahim oo Al-shabaab looga dhex-yaqaan Sheekh Xasan, kasoo la sheegay inuu yahay Soomaali, isla markaana xoogag aad u hubeysan oo beeshiisa kasoo jeedda ku dhex-haysta Al-shabaab.

Wararkan warbaahinta dalalkaasi faafisay waxaa ka mid ah Warbaahinta wax ka qortay Wargeyska la yidhaahdo The Mirror, waxaanu sheegay in ilo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in Haweenaydan ay gudaha Soomaaliya ku guursaday Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Sababta gabadhan kentay inay u guursato Sarkaal ka tirsan Malleeshiyada Al-Shabaab oo ka tirsan Shabakadda Al-qaacida, waxaa lugu sheegay inay doonayso si amnigeeda loo ilaaliyo oo ay uga magan-gasho shaqsiyaad Al-shabaab ku dhex jira ee looga shaki qabo inay si gaar ah ula shaqeeyaan Hay’adaha Sirdoonka reer Galbeedka iyo Maraykanka.

Haweeneydan u dhalatay dalka Ingiriiska ee caalamka argagixiso-la-dagaallanka ahi sida wayn u daydayayo, ayaa hore u soo guursatay laba Nin, waxaanu Soomaaligan Al-Shabaab ka tirsan ee hadda la werinayo inay guursatay noqonayaa ninkii saddexaad ee    Say u noqda ama ay haweenaydani guursato. Waxaana hore u soo guursaday nin la odhan jiray Germaine Lindsay, waxaa la aaminsan yahay inuu ka mid ahaa koox ka dambeysay qaraxyo ka dhacay marinnada Tareennada magaalada London 2005-tii, markaas ka dibna waxaa la sheegaa inay mar guursatay hoggaamiye ka mid ah kuwa Al-shabaab oo u dhashay dalka Kenya la yidhaahdo Cabdiwaaxid.

Samantha Lewthwaite ayaa aad loo baadi-gooba xilligan,balse mid ka mid ah dadka deegaanka ay ku nooshahay, ayaa sheegay Haweeneydani inay soo xidhato dharyo madow ah oo ay isku qarinayso xilliga ay soo baxeyso, waxaana la sheegay inay leedahay Ciidammo gaar u ah oo nabadgelyadeeda ilaaliya, iyada oo la sheegay inay ku nooshay gobollada Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno hoos-taga gobollada Bay iyo Bakool ee Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Kooxda Al-shabaab waxaa ay xidhiidh la leeyihiin Al-qaacida, waxaana xilligan ay dagaallo kula jiraan dowladda Soomaaliya, waxaana ka barbar dagaallama Ajaanib dalal kala duwan u dhashay sida Warbixintaas aannu soo xigannay oo Luuqadda Ingiriisada ku qornayd.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.