Wadahadal u Socday Jabhadda OLA iyo Itoobiya oo Burburay iyo Dagaallo u bilaabmay

Ethiopia (aftahannews):- Dagaallo khasaare dhaliyey, ayaa ka dhacay meelo ka mid ah deegaanka Oromada maalin kaddib markii ay burbureen wada-hadallo u socday dawladda federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Xoraynta Oromada ee OLA.

War-saxaafadeed uu soo saaray taliska ciidamada milateriga Itoobiya baahinta ayaa lagu sheegay, in cutub ka tirsan ciidamada ilaalada kacaanka ama xarasal jamhuuriga ee uu sameeyey Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ay hawlgallo ka fuliyeen meelo ka mid ah deegaanka Oromada, halkaasna ay ku burburiyeen kooxo ay ugu yeedheen argagixisada Shene oo ay ula jeedaan jabhadda xoraynta Oromada ee OLA.

Dagaallada oo ka dhacay galbeedka gobolka Shewa, Sebeta, Hawassa iyo Kersa Malema ee deegaanka Oromada, waxa ku dhintay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa jabhadda Xoraynta Oromada ee OLA iyo dagaalyahanno kale. 

Haseyeeshee, lama sheegin khasaaraha nafeed ee soo gaadhay Ciidammada ilaalada kacaanka oo loo tababbaray inay la dagaallamaan waxa Dowladdu ugu yeedho ‘kooxaha nabad-diidka ah’ sidoo kalena ay ilaaliyaan xarumaha dawladda.

Millateriga Itoobiya, ayaa waxa kale oo ay soo bandhigeen maxaabiis ay sheegeen inay ka qabteen jabhadda xoraynta Oromada ee OLA iyo hub kala duwan.

Dagaalladan shalay dhacay meelaha kala duwan ee deegaanka Oromada ka tirsan, ayaa yimid maalin kaddib markii ay burbureen wada-hadallado magaalada Dar es Salam ee waddanka Tanzaniga uga socday dawladda federaalka Itoobiya iyo jabhadda Xoraynta Oromada, halkaas oo maalmo ay is-hor fadhiyeen madax ka socotay dhinacyadu ay shalay natiijo la’aan ku kala tageen.

Jabhadda Xoraynta Oromada ee OLA, ayaa la timid shuruudo adag oo ay ka mid ahaayeen in la sameeyo dawlad wadaag ah, waxayna xukuumadda Abiy Ahmed ku eedeeyeen in ay la shir timid in kaliya ay ku riixdo inay hubka dhigaan oo ay nabad-qaataan, taas oo ay ku tilmaameen ‘isasoo dhiiba’.