Beesha Caalamka oo Baaq u Dirtay Dhinacyada isku Haya Siyaasadda Puntland

Muqdisho (aftahannews):- Beesha Caalamka ee taageerta Soomaaliya, ayaa ku baaqday in la dejiyo, lana xakameeyo xiisadda iyo khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad-goboleedka Puntland.

Magaalada Garoowe, ayaa maalmihii la soo dhaafay Shacabka reer Puntland ka qaxayeen, ka dib markii ay cirka isku shareertay xiisadda ka dhalatay khilaafka doorashooyinka Puntland oo ay Mucaaradka iyo Maamulka Puntland isku maandhaafeen qaabka loo qabanayo, isla markaana Ciidammo labada dhinac kala taageersani magaalada soo galeen.

Haddaba, Saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya, ayaa Warsaxaafadeed ka soo saaray xaaladda Puntland,  War-saxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Saaxiibbada beesha caalamka* waxay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee Garoowe ka socda. Joogitaanka ciidamadan ayaa cabsi gelinaya dadka shacabka ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro.
 
Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed.
 
Saaxiibada beesha caalamku waxaa weli ka go’an inay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ku taageeraan dhisidda aasaaska bulsho nabad iyo barwaaqo ah.
 
Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.
 
*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Ireland, Kenya, Netherlands, Norway, Talyaaniga, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, Qaramada Midoobay.” Sidaa ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka Beesha Caalamku kula hadashay dhinacyada Siyaasadda Puntland isku haya.

aftahannews.com

aftahanmursal@gmail.com.