Tirada Dadka Fatahaadaha ugu Dhintay Gedo oo Korodhay

Doolow (aftahannews):- Tirada Dadka ku dhintay Daadadka iyo fataahadaha Webiyada Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland oo gaadhay illaa 20 Qof.

Tan iyo markii ay fatahaaduhu ku dhufteen deegaannada Jubbaland waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay fatahaadaasi, iyadoo ay ku dhinteen in ka badan labaatan qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulka.

Waxaa sidoo kale jira dad ka badan 20 kun oo qoys oo weli ku go’doonsan geddiga kale ee Webiga Daawo, gaar ahaan nawaaxiga degmada Dooloow ee gobolka Gedo.

Waxaa laga deyrinayaa xaaladda dadkaasi ay ku nool yihiin, kuwaas oo aan helin gurmad iyo samatobixin, waxaanay qarka u saaranyihiin in ay macluul u dhintaan, sida uu VOA u sheegay Xildhibaan Mustaf Maamoow Geeddi oo ka mid ah Golaha Wakiillada Jubbaland.