Guddoomiyaha G/Odayaasha oo ka dayriyey heerka khilaafka KULMIYE iyo Xukuumaddu marayo

“Xisbigii UDUB waad ogeydeen, si nacasnimo ah buu innagu dhaafay, Xisbigii ugu weynaana wuu ahaa, dee waa Khasaare Qaran weeye. Maaha UDUB uun ee waa khasaare Qaran, maantana Xisbil-xaakimkii weeye, iyagu markaa kursiga kumabay fadhiyine Xisbul-xaakimkuna ka sii daran…” Guddoomiyaha Golaha Odayaasha Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Odayaasha Somaliland, ayaa ka dayriyey heerka uu khilaafka Xisbiga KULMIYE ka dhex-qarxay marayo muddo hal toddobaad ka yar, kaasoo laba Garab u kala qaybiyey Xisbiga oo Garab ka mid ah Madaxtooyadu hoggaaminayso Garabka labaadna Guddoomiyaha Xisbigu hoggaaminayo.

MUUSE BIIXI OO FARTA KU FIIQAYA MADAXWEYNE SIILAANYO

Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ayaa khilaafkooda oo laba-kaclayn ahi uu hadda ka dhashay Musharraxnimada Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi sheegay inuu ugu taagan yahay Jagada Madaxtinnimada, halka Madaxtooyada iyo Wasiirrada Xukuumadduna ka sheegeen in Madaxweyne Siilaanyo yahay musharraxa jagadaas ee shanta sano ee soo socda, taasoo keentay in Shirguddoonka Shirweynihii saddexaad ee KULMIYE khamiistii inna dhaaftay soo saaraan Liiska Golaha dhexe iyo Guddiga Fulinta ee Xisbigaa oo ay Hoggaanku ku gacan-saydheen, iyaguna soo saareen Liis kale oo Guddiga fulintu ku qoran tahay.

Dhinacyada KULMIYE u qaybsamay oo weedho kulul oo garnaqsi iyo awood-sheegasho isugu jira warbaahinta isu marinayey tan iyo Jimcihii inna dhaafay, ayaa dhinacba dhinaca kale ku eedaynayaa sharci-jebin iyo sad-bursi, isagoo dhinac waliba sheegaya in uu sharci ku taagan yahay. Waxaanu khilaafkoodu gaadhay heer dhinac waliba cayimo shirka koowaad ee Xubnaha Golaha dhexe iyo Guddiga fulinta ee khilaafku ka taagan yahay isugu imanayaan oo Madaxtooyaduna u muddaysay 1-da bisha June ee foodda innagu soo haysa, Garabka Guddoomiyuhuna u muddeeyeen 31-da bishan May.

Haddaba, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadal ka jeediyey fadhigii Golaha Guurtida ee Salaasadii maanta, ayaa sheegay inuu meel halis ah marayo khilaafka dhinacyada KULMIYE u dhexeeyaa, isla markaana uu si xawli ah ku socdo, sidaa awgeedna loo baahan yahay in la badbaadiyo Xisbiga talada haya ee KULMIYE si aanu u burburin sidii Xisbigii ugu da’da waynaa Xisbiyada Somaliland ee UDUB uu ku burburay sannadkii 2012-kii oo uu nacasnimo ku tilmaamay.

Halkan hoose ka dhegayso Codka Guddoomiyaha Guurtida Somaliland ka jeediyey fadhiga Golaha oo uu Guddi dhex-dhexaadineed-na ugu magacaabay xallinta Khilaafka KUKLMIYE.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.