Abiy oo Si Adag uga Hadlay Dalalka Saldhigyada Ciidan Ku leh Jabuuti, Ciidankiisa Badda iyo Deked Raadinta

Addis Ababa (aftahannews):- Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa shalay mar kale sheegay In Itoobiya ka go’an tahay helitaanka Deked iyo Marin badeed ay ka gasho badda Cas. Waxaanu ka hadlay ujeedka loo sameeyey Ciidanka Badda Itoobiya, Dowladaha Dunida ee Saldhigyada Ciidan ku leh Jabuuti oo uu sheegay inaan waxba laga weydiin, isla markaana ay saamayn ku leeyihiin Itoobiya iyo qodobbo kale.

Ra’iisal wasaaraha waddanka Itoobiya Abiy Ahmed oo markii labaad tan iyo 13-kii Aktoobbar Salaasadii shalay hortegay Baarlamaanka dalkiisa oo uu qudbad u jeediyey, kana jawaabay su’aalo Xildhibaanna weydiiyeen, ayaa sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah xal loogu helo dhibaatada dalkiisa ka haysata bad la’aanta oo uu sheegay in gaajo iyo kala-daadsanaan ay sabab u tahay bad la’aantu ay haysato, waxaanu ka digay in ay dhici doonto dhibaato haddii aan si degdeg ah loo keenin xal sharci oo Itoobiya ay ku helayso deked iyo bad ay iska leedahay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa waxa uu usoo jeediyey adduunyada, in ay indho feejigaan iyo tixgelin ku ladhan tahay ku eegaan arrinta bad la’aanta 120ka milyan ee dalkiisa, ku nool, waxaanu yidhi; “Arrinta Baddu waxay salka ku haysaa siyaasadda Juquraafi ee Bariga Afrika, koboca dhaqaalaha Itoobiya iyo tirada dadkeeda. Adduunyadu waa in waa in ay arrintan si taxadarleh u eegto, iyadoo laga la eegayo xaaladda dalkan.”

Waxa uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ku dheeraaday arrinta badda cas iyo sida aanu dalkiisu gacmaha uga laaban doonin arrimeheeda, waxaana uu si toos ah ula hadlay Djibouti, isaga oo sheegay in ay jiraan arrimo gurrucan oo salka ku haya juquraafi-siyaasadeedka Geeska Afrika oo welwel gelinaya dalkiisa. “Shacabka iyo dawladda Itoobiya way ogsoon yihiin doorka ay dekedda Djibouti ka qaadato horumarka Itoobiya, balse waxa aanu doonaynaa in Djibouti iyo dalalka kale ay fahmaan cabsida aanu qabno.” sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Itoobiya.

Abiy Ahmed oo sii wata hadalka uu jeedinayay sharci-dejiyeyaasha dalkiisa, waxa uu intaa ku daray; “Itoobiya ma doonayso inay dhibaato u geysato madax-bannaanida waddan kale, Itoobiya ma dalbanayso wax ka baxsan sharciga, mana doonayno in aanu xabbad ula tagno oo aanu duullaan ku qaadno dalalka deriskayaga. Laakiin waxa aanu kala xaajoon doonaa sharciyada ganacsiga. Itoobiya dadkeedu wuu sii kordhayaa, waxaananu rumaysanahay in loo baahan yahay in arrinta badda la xalliyo inta aanay dhibaato dhicin.”

“Waxa aanu sheegnay in arrinta aanu kala xaajoon doono dalalka deriska oo aanu heli doonno xal sharci ah oo aanu ku helno deked ka hor inta aanay dhibaato dhicin. Adduunyaduna waa in ay si sharci ah noo caawiso si aanu dadkayaga 120ka milyan ah uga saarno gaajada iyo kala daadsanaanta ay ku keentay deked la’aantu.” Ayuu yidhi Abiy Ahmed.

Waxa kale oo uu Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed xusay in quwadaha Adduunyadu ay isku soo urursanayaan gobolka, isaga oo u jeeda saldhigyada waddamada caalamku ka samaysteen waddanka Djibouti, waxaana uu yidhi; “Waxa jira quwado waaweyn oo cabsi gelinaya Itoobiya oo gobolka ku sugan. Maxaa yeelay, waxay dhamaantood saldhigyo ku leeyihiin waddanka Jabouti. Haddii ay quwadahan waaweyni isku dhacaan oo ay colaad dhaxdooda ka dhalato, Itoobiya ayaa ah dalka ugu cabsida badan.”

Abiy oo sii sharraxaya Cabsida uu dalkiisu ka qabo Badda cas, gaar ahaan saldhigyada reer galbeedka iyo Shiinaha ee Djibouti, waxa uu yidhi; “Dalalka Kenya, Tanzania iyo Koonfur Afrika ama dareemi doonaan cabsida aannu qabno, sababtoo ah iyaga kama taagna xaaladahan oo kale. Haddii ay isku dhacaan dalalka saldhigyada ku leh Djibouti, waxa uu hakad ku iman doonaa shidaalka iyo abuurka beeraha ee aannu toddobaad walba lasoo degno. Arrintan waxay Djibouti ogolaatay iyadoo aan aad looga fiirsanin, annagana aan waxba la naga weydiinin.”

Waxa uu soo hadal qaaday warar maalmihii ugu dambeeyay la isla dhax-marayay oo ku saabsanaa weeraro gantaalo ah oo ay Xuutiyiinta Yemen la beegsadaan saldhigyada ciidamada shisheeyaha ee Djibouti, waxaanu yidhi; “Haddii ay quwadaha waaweyn ee halkaas ku sugani ay xabbado ka bilaabaan saldhigyadooda dhinaca kale ku yaalla, waxay ay dookh la’aai ku dhacaysaa Itoobiya oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof oo aan haysanin meel kale oo ay wax kala soo degto. Xaaladdan oo kale haddii ay timaaddo, ma aha cadaadis ay Djibouti kusoo rogayso Itoobiya.”

Raysal-wasaaraha Itoobiya, waxa uu ka hadlay ujeedka loo sameeyey Ciidanka Badda ee Itoobiya oo 30 sano ka hor la kala diray, balse shanta sano ee uu xilka hayey aad loo dhisay, waxaanu ka jawaabay faallooyin Warbaahintu ka samaysay iyo dareeb laga qabo Ciidankaas, waxaanu yidhi; “Waxaan u maleynayaa inay maqnaayeen markii aan dhisnay Ciidanka Badda ama aan lahayn YouTube-yada; markii aan dhisnay ciidan badeed, waxaa cad in ajande kale aabu jirin, waxaan ula jeednay inaan u baahannahay Bad. Ajanduhu waa cad yahay.”

Mar uu ka hadlayay Abiy in Itoobiya ku xadgudbayso dalalka jaarka, ayuu yidhi; “Dan uma lihin inaan taabanno qofna madax-banaanidiisa; dani uguma jirto Itoobiya inaan cidna ku duulno; laakiin waxaan u baahannahay doorasho aan leexleexad lahayn oo hoos timaada shuruucda ganacsiga. Waxa aannu leenahay waa inaynu ka wadahalnaa si aan uga fogaanno isku dhacyada, si aan uga fogaanno xaaladaha ciidamada gaajaysan.”

Ra’iisal wasaaraha Itoobiy Abiy Ahmed oo ka hadlayay xaaladda dalkiisa, waxa uu farriin u diray kooxaha hubaysan ee dagaalka kula jira dawladda oo uu u sheegay in aanay marnaba suurtogal u noqon doonin in ay inqilaabaan ama xukunka ka tuuraan dawladda hadda jirta, waxaana uu kooxahaas ugu yeedhay ‘kuwa hubaysan ee doonaya inay inqilaabaan’.

Waxa kale oo uu ku dooday in dawladdu aanay marnaba bilaabin dagaallada dalka ka socda, balse ay ahaayeen kuwo lagu qasbay, waxaanu yidhi: “Annagu mar walba waxa aanu doonaynaa nabad. Shantii sannadood ee u dambeeyey, ma jirin dagaal rabitaankayaga ku dhacay, ama aanu qorshaynay. Runtu waa sidaas. Ma jiro dagaal aanu qorshaynay oo aanu bilownay.”
Abiy Ahmed oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyey: “Walaalahayaga hubka qaatay ee meelo kala duwan ku sugan, waxa aanu sheegaynaa in aanay macquul ahayn in la afgembiyo dawladdan.”
Waxa uu soo qaaday wada-hadallada u socda xukuumaddiisa iyo jabhadda xoraynta Oromada ee OLA iyo sidoo kale jabhadaha ka dagaallamaysa deegaanka Amxaarada ee Fano, waxaana uu Abiy yidhi: “Haddii OFC ay si nabad ah uga hawlgelayso Oromiya, maxaa u diidaya Shene? Haddii NaMA uu si nabadgelyo ah uga halgamayo deegaanka Amxaarada, maxaa u diidaya kuwa kale?” Ayuu weydiiyey xildhibaannada.
“Waxa wanaagsan in hubka la dhigo oo fikir lala yimaaddo.” Ayuu ku daray.

Haddaba, Warbixinta hadalka Abiy Ahmed waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee ku dhufo linkska cas ee hoose, ka dibna kusii dhufo open Facebook markuu kuu soo saaro.

https://fb.watch/okz2L6Pgcf/?mibextid=Nif5oz