Taliska Ciidammada Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Ka Jawaabay Digniin Somaliland u Dirtay

Muqdisho (aftahannews):- Taliyaha Ciidammada Midowga Afrika ee howlgalka Soomaaliya ee ATMIS Jenaraal Sam Okiding, ayaa sheegay in Ciidanka ATMIS aanay ka howlgaleyn magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Jenaraal Sam Okiding oo maanta Muqdisho Warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay in shaqada iyo howlgalka ATMIS ay tahay mid ku kooban la dagaallanka kooxda Al-shabaab, islamarkaana xaaladda ka taagan deegaannada gobolka Sool aanay wax shaqo ah ku laheyn Al-shabaab. Balse ay tahay arrin dadka deegaanka iyo Somaliland u dhaxaysa oo ay tahay in heshiiskeeda meel hoose laga bilaabo.

Hadalka Taliyaha ATMIS, ayaa yimi maalin ka hor markii ay Somaliland sheegtay in la qorshaynayo in ATMIS la keeno magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, taas oo ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ba uga digtay Somaliland.

“Annaga howshayadu waa la dagaallanka Al-Shabaab. Deegaannada Khaatumo, waxa isku haya dadka deegaanka iyo Soomaaliland, markaa arrimaha qabilka wax shaqo ah kuma lihin, mana nihin Dam-demis loo adeegsanayo arrinta Laascaanood.” ayuu yidhi Taliyaha ATMIS Jenaraal Sam Okiding.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay u joogaan ciribtirka Al-shabaab, islamarkaana howlgalkooda uu yahay in meel walba oo ay shabaab kaga sugan yihiin Soomaaliya kula dagaalamaan.

“Al-shabaab ma ahan cadawga Soomaaliya oo kaliya ee waa cadawga Afrika, ma doonayaan iney Soomaaliya kaliya ku  ekaadaan oo waxay doonayaan iney galaan Kenya, Uganda iyo dhamaan Afrika.” ayuu yidhi Jenaraal Sam Okiding.