Somaliland oo Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika uga Digtay ATMIS in la keeno Dhulkeeda

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud

Hargeysa (aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga digtay in lagu sheego in ay ka mid tahay goobaha uu ka hawlgalo Halwgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS.

Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland, ayaa war ay 31-ka October 2023 soo saartay ku sheegtay inaanay dhici karin in Ciidammada Midowga Afrika ee ATMIS ee Soomaaliya ka hawlgala la keeno dhulka Somaliland, ka dib markii la sheegay inuu jiro qorshe la doonayo in ATMIS lagu keeno gobolka Sool. Sidaa darteed waxay ugu baaqday Golaha Ammaanku inuu ku baraarugsanaado in Somaliland tahay dal aan ka mid ahayn Soomaaliya 32-kii sano ee u dambeeyay.

“Somaliland way kasoo horjeedaa qoraal kasta oo kasoo baxa Golaha Ammaanka, oo sheegaya in Somaliland ay kamid tahay goobaha loogu talogalay hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (ATMIS), Somaliland waa waddan madaxbannaan, kamana mid aha.” Sidaa ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliland.

Sidoo kale, waxa lagu sheegay qoraalka in Somaliland ay marar kala duwan ka hadashay go’aankeeda hawlgalka, laakiin ay mar kale ku celinayso kaddib qaraar hawlgalka lagu ballaadhinayo oo Golaha Ammaanku wado, kaas oo laga yaabo in Somaliland lagu sheego goobaha uu hawlgalka.

Waxa lagu sheegay in AMISOM iyo ATMIS labaduba ay yihiin hawlgalo nabad ilaalin oo 2007-dii Soomaaliya loo keenay si ay dowladda uga caawiyaan la dagaallanka Al-Shabaab iyo Ururrada kale ee argaggixisada ah.

“Sida ku cad hawlgalkii xaqiiqo raadinta ahaa ee 2005 uu Midowga Afrika ka sameeyay Somaliland, Somaliland waa waddan leh astaamaha qaran casri ah, sidaa darteed Somaliland waligeedba kama mid ahayn qorshaha Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Somaliland waxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsatay in ay wax ka beddel ku sameeyaan qaraarka Somaliland ka dhigaya meelaha hawlgalku ka shaqeeyo, isla markaana la ixtiraamo madaxbannaanida Somaliland.