Somaliland oo Qisaas Ku Fulisay Dad hore Dilal u geystay

Mandheera(aftahannews):- Dowladda Somaliland,  ayaa maanta dilal toogasho Qisaas ah ku fulisay 5 Nin oo hore loogu dilal u geystay, isla markaana Maxkamadaha kala duwani dil ku xukumeen, Madaxweynuhuna saxeexay.

Dilkan Qisaasta ah oo saaka subixii hore la fuliyay, ayaa ka dhacay Degmada Madheera oo ka tirsan gobolka Saaxil, isla markaana uu ku yaallo Xabsiga ugu weyn Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhawaan sexeeyay in la fuliyo qisaasta dadka saaka dilka lagu fuliyay, oo kala ahaa Ayaanle Axmed Ismaaciil oo 23 jir ah, Cabdirashiid Maxamed Askar oo 32 jir ah, Liibaan Khadar Aadan 25 jir ah, Xamse Cali Ismaaciil oo 26 jir ah iyo Xuseen Carab Ciise oo 60 jir ah.

Somaliland oo marar kala duwan Xukuumadihii soo maray iyo Xukuumadda hadda jirtaaba fulisay dilal Qisaas ah, ayaa Dowladaha Reer Galbeedka iyo Hay’adohooda qaar kala kulantay cambaarayn ay u jeediyeen, iyaga oo ku andocooda inay qaadatay Somaliland tallaabo ka dhan nolosha Aadamaha iyo xuquuqda noolaanshaha.

Somaliland, ayaa kaga jawaabta eedaymahaas in Diinta Islaamku u oggoshay, Sharciga dalkuna yahay mid ka dheegmay Diinta Allaah ee xaqa ah ee Islaamka, taas ku dhaqankeeduna yahay muqaddas aanay cidna ku raalligelinayn Allaah mooyaane.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey dilkaas qisaasta ahi heerarkii uu soo maray ee xukun iyo mid kastaa qofka uu dilay ee loo Qisaasay kaga bogo halkan hoose:-