Soomaaliya iyo IMF oo gaadhay Heshiis ku Saabsan Taageerada iyo dib-u-habeynta Maaliyadda

Muqdisho (aftahannews):- Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, ayaa wada gaadhay heshiis is afgarad oo la xidhiidha taageerada iyo dib-u-habeynta maaliyadeed ee Soomaaliya uga baahantay IMF oo deyn-cafinta ka dib la hirgelin doono.

IMF, shalay soo saartay warbixin ay kaga hadashay dedaalka Dowladda Soomaaliya ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda oo meel wanaagsan maraya iyo Dowladda Soomaaliya iyo IMF oo is afgarad ka gaadhay barnaamij cusub oo lagu sii xoojinayo hannaanka Maaliyadda iyo dib u dhiska dhaqaalaga oo dayn cafiska ka dib la hirgalin doono.

Warbixinta IMF, ayaa ku bilaabatay sidan; “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay joogteysay dhaqan-gelinta dib-u-habaynta Maaliyadda, si ay gacan uga geysato xoojinta hay’adaha Maaliyadda iyo siyaasadaha dhaqaalaha ee muhiimka ah, taas oo waddada u xaadhaysa in Soomaaliya ay gaadho barta kama dambeysta ah ee qorshaha Deyn Cafinta oo la filayo go’aankiisa kama dambeysta ah bisha December 2023-ka.

Iyada oo laga amba-qaadayo horumarkaas, mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo IMF waxa ay gaadheen heshiis ku saabsan dib-u-habeynt Maaliyadda ka dib marka uu soo gebagaboo Barnaamijka deyn cafinta.”

Dowladda Soomaaliya In ka badan 30 sano ka dib, waxa ay hadda si caadi ah oo fool ka fool ah ula macaamili doontaa Hay’adaha Maaliyadda Adduunka.

.