Soomaaligii ugu horreeyey ee isaga oo dhego-la’ ka qalin-jebiyey Jaamacad

New York(Aftahannews):- Abubakar Sheekh Cabdulle oo ah aasisihii ururka ay leeyihiin dhagoolayaasha Qaranka Soomaaliya (Somali National Association for the Deaf), ayaa noqday Ardaygii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee isaga oo aan dhegaha waxba ka maqal dhammaysta Jaamacad heer Caalami ah oo uu ka qalin-jebiyey, isaga oo markiisii hore ku barbaaray dalka Soomaaliya.

Abubakar aya ka qalin-jabiyay jaamacadda Rochester Institute of Technology (RIT)  oo ku taalka gobalka New York ee dalka Maraykanka isagoo qaatay laba shahaado oo Bacholar ah. Abubakar ayaa noqday arday si weyn looga aqoonsday jaamacadda isagoo sanbadkii hore ku guuleystay billadda adeegga bulshada ee jaamacadda loo yaqaanno Distinguished Public Service Award. 

Guddoomiyaha kuleejka uu Abubakar ka qalin-jabiyay RIT/NTID, Dr. Gerry Buckley ayaa yiri: “Abubakar waa hoggaamiye arday oo aad looga xushmeeyo jaamacadda. Waa arday u taagan u adeegidda bulshada. Abubakar waxuu ku guuleystay biladda adeega bini’aadamnimo ee “The Bruce James Humanitarian Award). Intii  uu jaamacadda dhiganayay waxuu hoggaanka u qabtay ururro badan oo ardayda ah isagoo laba jeer noqday senator sare oo ka tirsan dowladda ardayda.”

Buckley ayaa intaas ku daray:“Abubakar waxuu howl weyn ka qaatay taageeridda ardayda jaamacadda ee ka yimaado dalalka adduunka isagoo ka caawiyay sida ay ula qabsan lahayaayeen dhaqanka Maraykana maadama ay ku cusub yihiin dalka. Haddaba haddii aan nahay bahda jaamacadda RIT/NTID aad iyo aad ayaan ugu faraxsannahay kaalinta uu waxbarashada ka gaaray Abubakar.”

Inkastoo Abubakar uu ahaa arday jaamacad dhigta, kama uusan  fariisan u doodida iyo dadaalka uu u hayo dhagoolayaasha Soomaliyeed. Wuxuu weli hoggaanka u hayaa ururrka dhagoolayaasha Qaranka Soomaaliyeed ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano SONAD, isagoo sannadkii hore booqasho ku yimid Muqdisho si uu ugu kuur-galo xaaladda dhagoolayasha Soomaaliyeed.

Xoghayaha guud ee ururka dhagoolayasha Qaranka Soomaaliyeed, Muuse Kadle oo ka hadlayay kaalinta uu waxbarashada ka gaaray Abuukar ayaa yiri: “Waa arrin aad loogu farxo, waxaana u sheegaynaa dhamaan madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed inuu dhagoolku wax baran karo lana tartarmi karo mid ka wax maqlo, haddaba waa inay bulshadeenu ku baraarugaan arrinaas.”

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka urarka dhagoolayaasha, Cusmaan Maxamed Nuur ayaa sheegay in haddii taageero iyo tashiilaadka waxbarasho loo helo inay dhagoollada Soomaaliyeed wax baran karan dalkana wax u tari karaan.

Waa arrin farxad u ah Dhalinyarada iyo Shacabka Soomaaliyed. Abubakar ayaa ugu baaqay dhallinyarda Soomaaliyeed ee nasiibka u helay inay wax ku bartaan dalalka hormaray ee caalamka inay ku dadaalan waxbarashada si wixii ay barteen ay uga faa’iideeyaan bulshadooda, isla markaana ay ka fikiraan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dib u dhiska dalkooda.

Xigasho Hiiraan.com.