Xarunta Dhaqanka Hargeysa oo Si Adag uga Jawaabtay War Been-abuur ah oo laga Faafiyey

Hargeysa (aftahannews):- Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, ayaa waxba kama jiraan iyo been-abuur ku tilmaantay war iyo dhukummenti Baraha bulshada mid ka mid ah lagu faafiyey caawa.

Warka been-abuurka ah, ayaa lagu sheegay inay Xarunta Dhaqanka Hargeysa iyo Urur kale Norway ka codsadeen inay ka caawiso dhaqaalaha Shir lagu wadahadashiiyo Somaliland iyo Soomaaliya. Haseyeeshee, wax gacan ku rimis ah oo xaqiiqada ka fog oo aanay u dulqaadan doonin ayey Xaruntu ku tilmaantay.

War-Saxaafadeed uu ku Saxeexan yahay Agaasimaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Ciise Muuse Aadan oo uu kaga hadlay warkan xaqiiqda ka fog, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Ujeeddo: Beenin warar been abuur ah oo lagu faafiyay Baraha Bulshada.

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa waxa ay beeninaysaa warar been-abuur ah oo xaqiiqada ka fog oo lagu faafiyay Baraha Bulshada, iyada oo lagala xisaabtami doono cidda dacaayaddaa iyo warkaa abuurtey ama hubsiimo la’aan faafisay ba beenta, isla markaana caddaynteeda laga rabo, oo lala tiigsan doono sharciyada dalka iyo kuwa adduunkaba u yaalla.

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa waa Xarun u taagan kaydinta, korinta iyo ilaalinta
hiddaha iyo dhaqanka bulshadeenna, isla markaana ugu jirta Qaranka Somaliland meel halbowle ah.

Waxa la caadaystay been-abuur celcelis ah oo looga dan leeyahay in lagu waxyeelleeyo sharafta Xarunta in la sameeyo, mana aha markii kowaad e, labadii bilood ee u danbeeyey beeno caddaan oo ay soo maleegeen dad dano gaar ah ayaa la faafinayay, oo isku meel ka soo baxayay.

Waxa aynu ku noollahay cahdi wararka been-abuurka ah ku-macaashkoodu ka suuq roonaadeen run-doonnimadii dileenna sharaftii mihnadda warbaahinta, haseyeeshee markan Xaruntu uma dulqaadan doonto gefka been-abuurka ah ee lagu adeegsaday calaamadeheeda iyo xogoheeda, iyo faafinta been abuurkaas ula kaska ah, si khalkhal loogu rido ummadda.” Sidaa ayuu War-saxaafadeedka ku yidhi Agaasimaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Ciise Muuse Aadan.