Maraykanka oo Dalal Afrika ah ka Saaray Faa’iidaysiga Suuqa AGOA

Washington (aftahannews):- Maraykanka, ayaa dalal ka tirsan Afrika ka joojinaya Fursadda ka faa’iidaysiga Suuqa AGOA ee Cashuur la’aanta ku geeyaan wax soosaarkooda, ka dib markuu lagu eedeeyay ku dhaqan la’aanta sharciga iyo inay ku xadgudbeen Xuquuqda Aadamaha.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden,  ayaa Isniintii sheegay in uu doonayo in uu soo afjaro ka qeybgalka dalalka Gabon, Niger, Uganda iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ee barnaamijka ganacsiga ee kobaca iyo fursadda Afrika (AGOA).

Biden waxa uu sheegay in uu tallaabada u qaadayo “xadgudubyo waaweyn” oo caalamku aqoonsan yahay oo ka dhan ah Xuquuqal Iinsaanka oo ka dhacay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo Uganda.

Madaxwaynaha Maraykanku waxa kale oo uu tusaale u soo qaatay in Niger iyo Gabon ay ku guuldaraysteen in ay dhidibbada u taagaan amna ay horumar joogto ah ka sameeyaan ilaalinta nidaamka siyaasadda iyo ku dhaqanka sharciga.

“Inkasta oo ay si weyn u wada shaqaynayeen Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Gabon, Niger, iyo Uganda, haddana dalalkani waxay ku guuldaraysteen inay wax ka qabtaan walaaca Maraykanku ka qabo u hoggaansami la’aantooda shuruudaha u qalma AGOA,” sidaa ayuu Biden ku yidhi warqad uu u diray afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Madaxweyne Biden, waxa uu sheegay in uu damacsan yahay in uu joojiyo ka qeybgalka waddamadan ee dalalka ka faa’iidaysanaya heshiiskan AGOA ee ka dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika,  sida uu dhigayo sharciga kobaca iyo fursadaha Afrika, laga bilaabo January 1, 2024.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa bilawgii 2022-kii Barnaamijka AGOA ka saaray Itoobiya,  ka dib markii uu lagu eedeeyay inay gabboodfallo ka dhan ah Xuquuqda Aadamaha ka geysatay Deegaanka Tigrayga intii uu socday dagaal laba sano socday oo Dowladda Itoobiya la gashay Deegaanka Tigrayga. Waxaanu Biden 7dii September 2023-ka soo saaray go’aan uu ku cusboonaysiiyey inay muddo sannad ah itoobiya ka sii maqnaato Itoobiya Suuqa AGOA.

.