Somalia: Golaha Wasiirrada oo Caawa Ansixiyay Miisaaniyadda 2024-ka

Golaha Wasiirrada Soomaaliya 2023
Golaha Wasiirrada Soomaaliya 2023

Hargeysa (aftahannews):- Wasiirrada Soomaaliya oo caawa Muqdisho ku yeeshay shir aan caadi ahayn, ayaa meel-mariyay oddoroska miisaaniyadda dawladda ee sannadka soo socda ee 2024, taas oo dhan $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan) oo Doollar.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada, miisaaniyadda dowladda, ayaa sannadkan gaadhay in ka badan hal Bilyan oo Doollarka Maraykanka ah, taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 20%.

Dowladdu waxay sheegtay inay ahmiyadda saareyso wax ka qabashada amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Ra’iisul-wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in miisaaniyaddu ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalku jiro.

Raysal-wasaare Xamse waxa uu sheegay marka dalka deynta laga cafiyo dhammaadka sanadkan, in ay sii kordhi doonto miisaaniyaddu, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladdu gaadhsiinayso bulshada Soomaaliyeed.

Sannadkii hore, miisaaniyaddii uu Baarlamaanku meel-mariyay, ayaa ahayd $973,985,805. Dowladdu waxay xilligaas sheegtay in miisaaniyadda loo kordhiyay xarumaha danta guud, sida kuwa caafimaadka, waxbarashada iyo hay’adaha amniga ee dalka.