Al-Shabaab oo sheegatay Masuuliyadda Weerar Ismiidaamin ah oo Jabuuti laga fuliyey

Soomaaliya(Aftahannews):- Malleeshiyada Al-Shabaab, ayaa sheegatay Masuuliyadda weerar laba habeen ka hor lagu qaaday goob inta badan ay dadka Ajaanibka ahi ka cunteyn jireen oo ku taallay badhtamaha Suuqa magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, kaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala duwan.

Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo goor-dhow shir jaraa’id qabtay, ayaa sheegay inay weerarkii Jabuuti ka dhacay iyagu ka dambeeyaan, ayna ku dileen dad badan oo ajaanib ah.

Cali-Dheere, ayaa sheegay inay beegsadeen Saraakiil ka tirsan NATO oo ku sugnaa maqaayaddaas oo ay ku caweynayeen, isagoo ku goodiyay inay wadayaan weerarrada ay la beegsanayaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

“Weerarkii ka dhacay baarka ku yaalla Jabuuti waxaa ka dambeysay Xarakada Al-shabaab oo beegsanaysay saraakiil NATO ka tirsan oo halkaas ku caweynayay, waxaana wax ku noqday 35-qof oo isugu jiray kuwo dhintay iyo kuwo dhaawacmay,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadii halkaas ku sugnaa ay u kala dhasheen shan dal oo reer galbeed ah, kuwaasoo kala ahaa: Faransiiska, Mareykanka, Jarmalka, Holland iyo Belgium.

“Mujaahidiintu waxay beegsanayeen laba sarkaal oo Faransiis ah oo maqaayaddaas ku sugnaa, waana lagu guuleystay in la dilo, labadaas sarkaal sababta aan u beegsannay waxay ahayd dhibaatadii uu Faransiisku u geystay muslimiinta ku nool dalka Bartamaha Afrika.” ayuu hadalkiisa raaciyay Sheekh Cali Dheere.

Weerarkan ayaa noqonaya kii saddexaad oo Al-Shabaab ka geystaan dalalka ay ka joogaan ciidamada AMISOM gudaha Somalia, waxayna kooxdu horay u sheegatay weerarro khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay dalalka Uganda iyo Kenya oo ka mid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Dalka Jabuuti ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ay ciidamadu kaga sugan yihiin Somalia, iyadoo Al-shabaab ay horay ugu goodisay in haddii ay ciidamadooda kala bixi waayaan Soomaaliya ay weerarro la beegsan doonaan dalkooda.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.