Somaliland oo Digniin Degdeg ah ka Soo Saartay Roobab Waawayeyn oo ku Wajahan Xeebaha 

Hargeysa (aftahannews):- Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, ayaa ka digtay Roobab waawayn oo la saadaaliyay inay ka di’i doonaan 24-ka saacadood ee soo socda deegaannada Xeebaha ee degmooyinka Lughaya iyo Saylac.

Roobabka mahiigaanka oo hore loo saadaaliyey inay Somaliland ka da’ayaan Bilaha October, November iyo December, ayaa da’ayey tan iyo toddobaadkii hore, iyaga oo saamayn ku yeeshay deegaannada qaarkood sida Berbera iyo magaalooyin kale. Waxaana hadda laga digayaa inay ku wajahan yihiin xeebaha Galbeedka Somaliland ee Saylac iyo Lughaya.

Digniinta Roobabka Xeebaha Somaliland 2023-ka
Digniinta Roobabka Xeebaha Somaliland 2023-ka

Qoraal ka soo baxay Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beearaha Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta aftahannews.com, ayaa u dhignaa sidatan:-

“Xafiiiska Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta  Beearaha waxay Digniin u diraysaa dadweynaha ku nool xeebaha Somaliland, gaar ahaan Degmooyinka Lughaya iyo Saylac inay ka feejignaadaan Roobab waawayn oo la filayo in ay ka da’i doonan xeebaha 24 Saacadood ee innagu soo waajahan, taas oo saadaashu sheegayso inay xeebta Lughaya iyo Saylac ay ku  Wajahan yihiin Roobab xaddigoodu sarreeyo oo lagu qiyaasay 150mm illaa 200mm.

Fiiro gaar ah: Haddaba, Dadweynaha ku nool meelaha aannu soo sheegnay waxa la farayaa in ay ka feejignaadan amma ka fogaadaan meelaha biyo-mareennada ah iyo meelaha dooxooyinka ah.

Sidoo kale, waxaannu digniin u diraynaa Dadka Kalluumaysada ah inay kala baxaan laasashkooda iyo agabka kale ee ay ku kalluumaystaan.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warkan ka soo baxay Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland.

Xafiiska Urur-goboleedka #IGAD u qaabbilsan Saadaasha Hawada ee #IGPAC, Wasaaradda Beeraha Somaliland iyo Hay’ado kale, ayaa hore u sheegay in saddexda bilood ee u dambeeya sannadkan 2023-ka ee October, November iyo December ay Somaliland iyo Dalalka Geeska Afrika ka di’i doonaan Roobab waawayn oo saamayn taban ku yeelan kara Dadka iyo Duunyadaba, waxaanay ku baaqeen in Dadku ka fogaadaan, Dooxyada, Xeebaha iyo Biyo-mareennada.

Roobabkaas la saadaaliyay,  ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka da’ayey deegaanno kala duwan oo Somaliland,  Soomaaliya,  Djibouti iyo Yemen, kuwaas oo meelaha qaarkood dhibaatoon, dhimasho,  dhaawac iyo barakac isugu jira ka geystay.