Itoobiya oo Dhoollatus Ciidan Samaysay Farriin Cadna u Dirtay Dalalka Badaha leh ee Deriska

Addis Ababa (aftahannews):- Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya, ayaa mar kale maanta farriin cad u diray waddamada deriska la ah dalkiisa ee leh badaha ee uu hore u sheegay in xoog iyo xeelad mid ay noqotaba Itoobiya u baahan tahay inay ka hesho Deked ay iska leedahay.

Abiy Ahmed oo maanta ka hadlay xuska 116aad ee ciidamada qalabka sida ee dalkiisa, ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan dad walaac ka muujiyey in dalkiisu uu qaadayo duullaan amaba uu weerar kusoo yahay, isaga oo ula jeeda dalalka deriska, waxaana uu caddeeyey in aanay marnaba Itoobiya xoog iyo dagaal ku doonayn in ay ku gaadho ujeeddooyinka iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee bad-raadinta, laakiin ay u marayaan qaab uu sheegay in dhinac walba ay guul u noqonayso.

“Itoobiya ma doonayso in ay xoog ama weerar wax ku hesho, anigana ilama aha in Itoobiya ay xoog wax ku raadiso.” Ayuu yidhi Abiy Ahmed oo intaa kusii daray: “Itoobiya waligeed cid ma aanay weerarin, mana doonayso in ay marnaba cid weerarto. Itoobiya kuma jiro damac ama qorshe ah in ay xoog ku qabsato waddan kale si ay u gaadho ujeeddooyinkeeda, ciidankayaguna uma samaysna in ay cid weeraraan laakiin waxa ay dalkayaga ka ilaalinayaan in lasoo weeraro. Ciidamadayada difaacu waxa ay ilaaliyaan sharaftayada, waxay isku dayaan in ay dib usoo celiyaan nabadda iyo in ay ammaanka sugaan, waxay nafahooda u huraan madax-bannaanidayada.”

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo si toos ah uga hadlayay arrimaha deked-raadinta dalkiisa ee uu dhowaanta ka sheegay baarlamaankiisa ayaa yidhi: “Itoobiya waxay keentay fikrad ah in aynu u baahanahay in aynu ka wada-hadalno arrimaha qaarkood. Waxa aanu ixtiraami doonaa in danta guud aanu ku gaadhno mabada’a ah ‘guul dhinac walba ah’ oo sare u qaadaysa horumarka iyo barwaaqa, laakiin marnaba kuma fikirayno in aanu xoog ku gaadhno baahidayada.”

Itoobiya oo ciidamadeedu ay dhoola-tus ku sameeyeen fagaaraha Masqalka ee badhtamaha caasimadda dalka ee Addis Ababa oo hub noocyo kala duwan ah ay waddada weyn ee wadnaha soo mareen, sidoo kalena diyaarado helicoptero ah ay hawada sare dul heehaabayeen, ayaa waxa madasha lagu casuumay Dublamaasiyiin ka kala socda Safaaradaha dunida ee Addis Ababa, Taliyeyaal Ciidan oo ka yimid dalalka deriska iyo Taliska Ciidammada Midowga Afrika ee ATMIS ee nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo u muuqanayay in uu hanjabaad dirayo,  cudud Ciidanna ku faanayo, ayaa yidhi: “Dalkeenna waligii cid nagu soo duushay ma aanay jabin, waligayana la naga adkaan maayo. Dagaal la naguma wajib, waliayagana jilbaha dhulka lanooma dhigin, taariikhdayada ayaa inna tusaysa in aanu nahay kuwo guuleysta.”

Mar uu ka hadlayay Abiy Ahmed qulqulatooyinka gudaha iyo dagaallada ka socda dalkiisa, waxa uu sheegay in ay jiraan waddamo badan oo Afrikaan ah oo ay ka jiraan nacayb iyo isku-dayo lagu doonayo in lagu burburiyo hay’adaha dawliga ah, laakiin dalkiisa aanay taasi ka suurtogelayn, waxaanu yidhi: “Isku-hadayaga burburinta Itoobiya, hay’adaheeda iyo midnimada shacabkeedu waa wax aan la aqbali karayn, waana in cashar laga barto.”.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, waxa kale oo uu sheegay in ciidamada dalkiisu aanay kaliya ka shaqaynayn sugidda amniga gudaha dalkiisa, laakiin ay sidoo kale u taagan yihiin nabad-ilaalinta dalalka Afrika.

Hadalka Raysal-wasaaraha Itoobiya uu maanta ka jeediyey xuska 116aad ee Ciidanka, ayaa imanaya laba toddobaad ka dib markii uu Baarlamaanka dalkuisa ka hor sheegay in Itoobiya aanay Deked la’aan sii ahaan karin. Isaga oo soo hadal qaaday Dekedda Saylac ee Somaliland, Dekedaha Ethiopia, Djibouti iyo Soomaaliya.

Hadalkiisa oo saamayn badan yeeshay ayey Xukuumadaha Soomaaliya, Djibouti, Eritrea iyo Somaliland ka jawaabeen, kuna tilmaameen riyo aan rumoobaynin iyo waxaan suuragal ahayn inay Itoobiya Deked ay qaadato siiyaan amma siin karaanba.

Haddaba, Warka Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee ku dhufo amma kilig-garee Links kan hoose, ka dibna Facebook markuu kuu soo saaro ku dhufo open si aad u daawato:-

https://fb.watch/nWGXZWbNNb/?mibextid=Nif5oz