Fanaaniin Lagu Dhaawacay Gudaha Huteel Crown

Hargeysa-(Berberanews)-Qaar kamid ah fanaaniinta Hargeysa ayay dhaawacyo kala duwani soo gaadheen, kadib markii amaanka oo liitay darted, dhallinyaro ku soo weerartay gudaha huteelka Crown ee Caasimada Hargeisa, halkaasi oo ay kaga qayb galleen xaflad aroos habeenkii xallay.

Fanaanada Degen Nuur ayaa lagu soo waramayaa inay lug ka jabtay , halka qaar kalena la sheegayo inay soo gaadheen dhaawacyo fududi, kadib markii niman dhallinyaro ahi ay si sahal ah u soo dhaafeen ilaalada tirada yar ee Huteelka Crown , wakhti lagu gudo jiray damaashaadka arooska Fanaanada Xamda Cabdi (Xamda Queen) iyo seygeeda.

aroos

 

Sida dad goob-jooga ahaa xaqiijiyeen shebekadda Berberanews.com, falkan foosha xun ayay ku tilmaameen mid ka dhashay ilaalo la’aanta Huteelka , oo u fududaysay dhalinyaradan inay gebi ahaanba khal-khal galliyaan amaanka fanaaniintii tirada badnayd ee farxada la qaybsanayay Saaxiibadooda arooska ahayd. Lamaanaha Xafladooda aroos la joogay , Ayaan sida la sheegayo wax dhibaato ahi ka soo gaadhin dhibtaas.

Dhowr Kamid ah Fanaaniinta ku dhaqan caasimada Somaliland oo habeenkii xallay ahaa ka qayb qaadanayay arooska mid kamid ah hablaha fanka wakhtigan ku caan baxay ayay dhaawacyo fududi ka soo gaadheen , weerar aanay filayn ay kala kulmeen koox dhallinyaro ah oo xamaasadaysani ku soo ku qaadeen weeraray, xilli ay ka qayb qaadanayeen Damaashaad Aroos Oo Halkaasi ka dhacayay huteel Crown.

Aftahannews.com

Hargeysa, Somaliland