Mucaaradka Puntland oo Si Adag u Diiday Jadwalka doorashada, Kana Digay in Lagu Dhaqmo

Garoowe (aftahannews):- Dalladda ay ku bahoobeen Xisbiyada mucaaradka ah ee Puntland, ayaa sharci-jabin ku tilmaamay jadwalka doorashada ee Guddiga doorashooyinka Puntland soo saaray xalay, waxaanay ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan doonto muddo kororsiga Madaxweyne Siciid Deni ee ku lammaan Jadwalka doorashooyinka.

Hadalka Dalladda Mucaaradka ee maanta, ayaa jawaab u ah go’aan kasoo baxay xalay Guddiga doorashada Puntand, kuwaas oo saaray jadwal cusub oo ay u sameeyeen doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxwaynaha Puntland.

Guddiga doorashada Puntland waxay gadaal u dhigeen xilligii doorashada ee siddeedda January, iyagoo ka dhigay 25 February 2024.

Mucaaradku waxay sheegeen in ay galayaan la tashiyo ballaaran oo ay la yeelaneyaan bulshada qeybaheeda kala duwan, si loo xaqiijiyo in doorashadu ku dhacdo wakhtigeedii 8-da Janaayo.

Waxay sidoo kale, ku baaqeen in meel looga soo wada jeesto Madaxweyne Deni oo ay ku eedeeyeen inuu doonayo inuu burburiyo, kuna gorgortamo xasiloonida iyo nabada Puntland. 

Diidmada Mucaaradka Puntland ee Jadwalka doorashada 2023
Diidmada Mucaaradka Puntland ee Jadwalka doorashada 2023