Saylici: “Qaranka laba qolo kama wada taliso, Awdal State Meelna Somaliland..”

Boorama (aftahannews):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in Awdal State aanay ahayn wax suuragal ka ah Somaliland.

Saylici iyo Wasiirro kale oo gobolka Awdal ku sugan, ayaa si isku mid ah u sheegay inaanay arrinta Awdal State ee maalmahan warbaahinta laga maqlayay  ahayn wax laga aqbali karo Somaliland, Dadka wadaana ay yihiin kuwo aan reer Awdal meteli karin.

“Qaranka laba qolo kama wada taliso, Awdal State meelna kagama jirto qaranka Somaliland, Alle kama rajaynayno 4 qof oo halkan iskugu soo ururta in aynu noqono, qaran ka qurux badan oo Somaliland la yidhaa ayaynu haysana.” ayuu yidhi Cabdiraxmaam-Saylici.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in dad meelaha dibedaha shirar ku qabtaa aanay go’aamin karin masiirka reer Awdal, waxaanu yidhi; ” Hadad aragteen 4 qof oo meelahaa ku shira, garaadkiinna siyaasiga ahi in uu kor u kacaa loo bahanyahay, masiirka ummadda reer Awal ma hayaan 4 innamood oo dibeda joogaa.”

Saylici waxa uu sheegay in Awdal aanay cidkastaa u talin karin, balse isaga iyo masuuliyiinta kale ee Xukuumadda ka tirsan ee Awdal kasoo jeeda ay masuul ka yihiin masiirka dadka gobolka.

Wasiirrada kale, ayaa sheegay in Laascaanood iyo Boorama-ba ay yihiin laba magaalo oo Somaliland ka tirsan oo aan sina uga gu’i karin.