Wasiir Ku-xigeenkii Amniga Somaliland oo fashiliyey Sir culus, Sarayna Wasiirro Al-Shabaab la shaqeeya

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiir Ku-xigeenkii Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Abbokor Cismaan oo dhawaan xilkaas laga qaaday, ayaa fashiliyey sir culus, waxaanu shaaca ka qaaday in Somaliland dhibaato Siyaasadeed gashay oo uu sheegay inay sabab u yihiin Koox Golaha Wasiirrada Xukuumadda Siilaanyo ka tirsan oo uu sheegay inay Wadaaddo yihiin, isla markaana ay magacyo kala duduwan leeyihiin oo ay dalka ka wadaan kacdoon siyaasadeed oo Diin salka ku haya.

CABDILLAAHI ABBOKOR CISMAAN

Cabdillaahi Abbokor oo fashiliyey qaybo ka mid ah Siro Sirdoon iyo Ammaan oo uu sheegay inuu hayo, waxaanu sheegay in Koox Al-Shabaab ka tirsan oo magacyo kala geddisan isticmaalayaa ay dhibaato siyaasadeed ka dhex-wadaan Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda.

Haddaba, Cabdillaahi Abbokor oo si adag arrintaas uga hadla halkan hoose ee AFTAHANNEWS AND RADIO ka dhegayso Codka Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.