Masuuliyiinta Haatuf oo Xabsiga laga soo daayey iyo Wargeyska oo weli u xayiran Xukuumadda

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Haatuf Media Network Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafatirihii Wargeyska Haatuf Axmed Cali Cige, ayaa maanta Xibsiga laga sii daayay, ka dib markiia ay muddo laba toddobaad gaadhaysa ku xidhnaayeen Xabsiyada magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley.

haatuf1-300x202

Masuuliyiintan Wargeyska Haatuf, ayaa maanta lagu war-helay iyagga dib u halay Xoriyadoodda, balse ma jiraan warar intaas ku daraya sababaha ka dambaysa sii dayntoodda, iyadda oo  Shaylayna  ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ay guddo-gashay Dacwaddii  loo haystay.

Wargeyska Haatuf ayaa hore u baahiyay warar la xidhiidha fadeexaddo Musuq-masuq oo ay ku kaceen Wasiirka Macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wiil Madaxweyne  Siilaanyo Sodog u yahay  oo lagu magacaabo Baashe Cawil Xaaji Cumar.

Hase-yeeshee, Warbaahinta Haatuf Netwark oo isugu jira Wargeyska Haatuf, Wargeyska toddobaadkii halka maalin soo bixi jiray ee SomalilandTimes iyo Website-kii Haatuf.net oo ay dhammaantoox Xukuumaddu Xayirtay Xaruntoodii Hargeysana Ciidammo Boolis ah oo la wareegay gacan-ku-haynteeda ay geysay badhtamihii Bishii April ee aynu soo dhaafnay, ayaan weli la sheegin goorta xayiraadda laga qaadayo oo xayiran.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.