Deegaanka Soomaalida iyo Qaybaha Itoobiya oo looga Digay Roobab ku Soo Wajahan

Addis Ababa (aftahannews):- Tobanka maalmood ee soo socda, waxa deegaanka Soomaalida ku soo waajahan Roobab mahiigaan ah oo ka di’i doona dhamaan gobollada iyo degmooyinka, sida uu sheegay Machadka Saadaasha Hawada ee Itoobiya, waxaana shacabka looga baaqay inay ka durkaan meelaha dooxyada, godanka iyo togagga oo keeni kara daadad waxyeello u geysan kara dadka iyo duunyadaba.

War-saxaafadeed uu soo saaray Machadka saadaasha hawada Itoobiya, ayaa lagu sheegay, in guud ahaan gobollada uu ka kooban yahay deegaanka Soomaalidu ay ka mid yihiin meelaha la filayo inay ka da’aan Roobab waaweyn oo keeni doona ‘sida ay hadalka u dhigeen daadad ka badan intii ay dadku hore uga barteen Roobabkii caadiga ahaa ee ka di’i jiray deegaanka’.

Saadaasha ay Itoobiya soo saartay oo ay wehelinaysay digniin dadka loogu sheegayo inay taxadar sameeyaan, ayaa waxa kale oo lagu sheegay, in deegaannada Benishangul, Sidaama, Koonfurta Itoobiya, Koonfur-galbeed Itoobiya iyo Soomaalida ay roobabka ka di’i doona ay isku mid yihiin oo ay noqon doonaa kuwo laxaadleh.

Waxa kale oo la filayaa in roobabku ay ka di’i doonaan ismaamulka Dire-dhaba oo la marxalad noqon doonta gobolka Sitti ee Deegaanka Soomaalida, deegaanka Hererida, gobollada Koonfurta igrayga, Bariga Goojaam, Woqooyiga Wollo, Koonfurta Goondhar ee deegaanka Axmaarada, iyo gobollada deegaanka Gambela ay iyaga Roobabku ka di’idoonaan.

Machadka saadaasha hawada ee Itoobiya, ayaa intaa ku daray, in qaybta Koonfurta ee dalka ay ku badnaan doonaan roobabku, balse badhtamaha waddanka, bariga iyo woqooyiga dalka ay suurtogal tahay in dabaylo ay weheliyaan roobabka, waxaana loo sheegay dadka isticmaala korontada laga dhaliyo qorraxda ee solar-ka, in ay usii diyaargaroobaan roobabkan.

“Cirka ayaa noqon doona mid huur ah tobanka maalmood ee soo socda, waxayse u fiicnaan doontaa dalagga beeraha ee biyaha u baahan”. ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Xafiiska Urur-goboleedka IGAD Saadaasha Hawada u qaabbilsan ee IGPAC, ayaa bishii hore sheegay in la filayo in Roobab waaweyni ay ka da’aan gobolka Geeska Afrika, sida Itoobiya, Soomaaliya, Djibouti, Kenya iyo meelo kale, waxaanay Roobabkaasi di’i doonaan sida saadaashu sheegtay saddexda bilood ee ugu dambeeya sannadkan 2023-ka ee October oo aynu ku jirno, November iyo December.

Waxaana IGPAC Dadka ugu baaqay inay feejignaan muujiyaan, kana dheeraadaan Xeebaha, Webiyada, Dooxyada iyo Biyo-mareennada, maaddaama la filayo inay fatahaado ka dhashaan Roobabka la saadaaliyay.