Sweden: Nin Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah Gubay oo Maxkamad la Taagay

Sweden (aftahannews):- Maxkamad ku taal dalka Sweden, ayaa Nin 27 Sano jir ah oo gubay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ku heshay denbi ah in uu kicinayey fal Isir-nacayb ah.

Ninkan, ayaa ku dooday in ujeeddadiisa ay tahay inuu Diinta Islaamka ku dhaleeceeyo, balse Maxkamadda, ayaa arrintaas ku gacan seydhay, waxaanay sheegtay in loo arki karo oo keliya inay bartilmaameedsanayaan Muslimiinta.

Muuqalka gubitaanka uu Ninkaasi sameeyay, ayaa waxa uu lahaa codad toos ah oo ku baaqaya in la nadiifiyo Islaamka.

Khubarada sharciga, ayaa sheegaya in tani ay ka dhigayso mid aan macquul ahayn kiiska oo loo maleynayo inuu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah, isla markaana ay yeelan doonto saameyn ballaadhan.